shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Obama oo si toos ah wax uga badalaya  Siyaasada Maraykanka ee ku foorarta qaarada Africa.

(Washington.  June 24,  2009 Ceegaag Online)

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Africa ninka lagu magacaabo Ambassador Johnnie Carson oo maanta ka hadlayay aqalka cad ee washington ayaa sheegay in maamul madaxweyne obama uu qorshaynayo inu maalgaliyo cadadka lacaged ee sabadkiiba maraykanku ku bixiyo Horumarinta Beeraha,Amaanka, iyo cunadda.
Carson waxaa uu hoosta ka xariiqay in maamulka madaxweyne Obama oo dardargalinayo siyasadisa Arrimaha africa afarta sano ee soo socota.


Ambassador Carson ayaa u sheegay Guddiga arrimaha africa ee Maraykanka in afarta sano ee soo socota uu maamulka Obama diiradda saarayo afar arrimod oo aad ugu muhiimsan Siyaasad Africa.


1-Horumarinta iyo xoojinta Dimoqraadiyadda iyo sharciga
2-Ka hortaga iyo xalinta khilaafaadka
3-Dhiirigalinta Wadamadda soo koraya ee africa
4-ka shaqaynta wadamadda africanka waxa uu ugu yeeray isbedelka dunida ee hore iyo kan cusub.


Ambassador Carson waxa uu ku amaanay wadamadda africa horumarinta iyo xoojinta Dimoqraadiyadda 15-sano ee ugu dambeysay isaga oo tixraacaya doorashoyinka dhawaantan sida guusha ah u dhacay ee Ghana,Southafrica,Malawi. Laakiin waxa uu yiri wali waxa jira doorashoyin madmadaw ku jiray kuwaasi oo aan wali najaxin sida dhibaatadi ka dhacday Doorashoyinki Zimbabwe iyo Kenya isagoo shegay in Washington ay ka cawindoonto Xoojinta xeerka Dimoqraadiyadda.
 
"Anaga wa inaan dhiirigalina Codka bulshadda rayidka ah iyo marxaladaha dalkooda iyo waa in aan horumarina siyaasad ku dhisan xeerarka dimoqraadiyada ee dawladaha,xoojinta Nidaamka Maxkamada,Xoojinta Sharci Dajinta,Doorashoyin Xorah,saxaafad xorah iyo Dulqaadka Diinta" ayaa uu yiri kaaliyaha xoghayaha dibadda ee maraykanka arrimaha africa.

Carson waxa uu amaanay doorka uu midawga africa ka ciyaaray xalinta khilaafaadki wadamadda Liberia,Sierra Leone iyo Angola waxa uu yiri wali waxaa dhiman in la xaiyo Khilaafka Somalia.Eastern Congo iyo sudan.
"Waxaan samaynaynaa si kasta oo macqula oo aan ku caawin karno xalinta khilaafka iyo caawinadda hawlahooda ayuu yiri Carson.


Carson ayaa sidoo kale sheegay in Brack obama uu danaynayo xiisaynta xalinta Khilaafaadka Africa sida Magacabista General Scott Gration Ergayga gaarka ah ee sudan. Sidookale waxaa uu yiri maamulka obama waxa uu diiradda saaraya Amaanka cuntadda iyo Horumarinta Beeraha iyo Dalagyadda.


"Maamulka iyo Qorshaynta Tiro sanado ah cadadka lacaged ee lagu bixinayo Horumarinta Beeraha si loo sameeyo Laba shay 1-In dadka faqriga laga saaro2-in la caawiyo kuwa soo koraya ee Dalag beerashadda. Waxaan ugu yeerayno Isbedelka cusub iyo kan wayn ee Dunida waxaa uu yahay in Maamulka Obama qorsheeyo sida wadamadda africanka ah looga shaqayn laha arrimaha la xariira Isbedelka Cimiladda iyo Ciribtirka Mukharadaradka.


Ugu dambayntii Carson ayaa sheegay in qaar ka mida Topicyadasi la hirgalin dono marka Marka madaxweyne Obama booqasho ku yimado Bisha July Ghana oo ah marka ugu dhaw intuu xafiiska yimi oo wadan africa ah yimado Obama.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com