shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nabadda Somalia iyo Shirkii Nabadda Qaaradda Afrika oo lagu soo gabagebeeyay Jarmalka.

(Berlin.  June 22,  2009 Ceegaag Online)

Qaaradda afrika waxaa hareeyay Hardanka Kursiga oo u eg mid siyaasadeed waxaa jira dalal badan oo ku kala yaala goboladda afrika kuwaasi oo iyagu u muuqda kuwa ay ka loosanyihin xasarado siyaasadeed Tusaale waxaan u soo qaadankarnaa xasaradaha ka taagan Wadanka Madagaskar-Somalia-Dilkii Madaxweynihi Gini bisaw dhamaan waa xasarado alosan waxaa jira gobolo kale oo ay ka jiraan Dagaalo ba'an.

Waxaa  caasimada dalka Jarmalka ee Berlin,lagu soo gabagabeeyay shir heer caalimaya,oo laagahadlaayay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa qaarada Afrika, shirkaas oo ay ka soo qeybgaleen madaxweynayaasha dalalka Burundi, Itopia, Ruwanda, Togo, sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay madaxwyne ku xigeenada wadamada Nambia, Zimbabwe, Jaad, Sudaan iyo wasiirada arrimaha dibada ee dalalka itopia iyo sudaan.

Sidoo kale somaaliya waxaa shirka lagu casuumay, madaxweynaha dowlada midnimo qaran sheekh shariif sheekh axmed, waxa uu uga baaqday arrimo xagga nabad gelyada ah, wuxuuna u soo wakiishay in uu shirka uga qeyb galo, taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed General Cabdulaahi Macalin Cumar.

Wafdiga uu hogaaminayay taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed,waxaa garoonka diyaaradaha ee berlin kaga hortagay oo ku soo dhaweeyay, denjiraha dowlada somaaliya wakiilka uga ah dalka jarmalka Maxamud Maxamed Tifow, iyo shaqaalaha safaarada somaalida ee berlin.

Inta uu joogo wafdiga ka socday dowlada somaaliya,waxa uu la kulmi doonaa saraakiil ka socoto wasaarada gaashaan dhigga ee dowlada jarmalka.

Dagaalka somalia:


Dhamaad la'aanta dhibaatadda iyo dagaalka somalia waa mid salka ku haya qoto dheeraanta xasada umadda somalida waxaana somalia oo ah wadan looga bartay inay Qabiili isu laayaan sanadihi ugu dambeeyay ku soo fidayay Dagaalka diinta oo ah runtii mid asal raacnimadisu aad u adagtahay in laga gudbo waxaa ugu roonayd markii ay soo bexeen Kooxdi la magac baxday Maxkamadaha Islaamka kuwaasi oo u muuqday hal garab oo xaga diinta ka ahaa siyaasadda somalia balse faragalintii militery ee Itoobiya waxay noqotay mid abuurta asal raacnimo aad  u raad wayn somalia waxa ugu yaab badan dadkii shalay soo ahaa maxkamadaha islaamka ayaa maanta islaynaya oo qoryaha isu sita sida muuqatana waa jaahwareer siyaasadeed.

Dagaalkii kooxda mucaaradka ah ee iminka hogaamisa somalia ee uu madaxda u yahay sheikh sharif ee ay kala soo horjeeden C/laahi yuusuf axmed waa soo afjarmay waxaana laysugu eexaysanayay Arrimo la xariira xaga Aargoosi siyaasaded waxaase muuqata in somalia ay hadda u muuqato mid gashay siyaasad Cagacad oo aan dhamaad lahayn ubadkii ku barbaaray Dagaalku maanta waa hogaamiyayal siyaasadeed Macankii dawladinimo waa la ilaaway Taasina waa horseedka iyo gabagabadda dhibaatadda somalia.

Marka aan u noqono Dagaalka xamar waa mid fikiro kala duwan laga saadalin karo maadaama kooxda haatan hardan ku jirta ay tahay koox Kursi doon ah kursiguna waa mid Malag u ah Nabad ka dhacda somalia iyadoo kooxyar oo qaswadayaal ah ay horseed ka noqdeen in ay qiilqiil galiyaan dawlada somalia oo ah mid ka talisa oo kaliya Dekeda muqdisho,Airoport,Madaxtooyadda iyo goobo cayiman waxaana muuqata in seefta Kooxda al-shabaab iyo xasan daahir aways la la tegi karto Hogaamiyayaasha somalia ee iminka jooga Muqdisho.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com