shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamud Axmed Najad oo ku Guulaystay Doorashaddi Iran(Warbixin).

(Tehraan.  June 13 ,  2009 Ceegaag Online)

Doorashoyin Halgan dheer loo galay ka dib waxaa wadankaasi dib loogu so doortay inuu hogaamiyo 4 sano ee soo socota waxaana Codadkii la tiriyay ay ahaayeen halka uu helay 62.6% iyadoo Hogaamiyaha Mucaaradka ee la tartamayay ninkani uu helay 33.75 codadkii la tiriyay sidaasi waxaa yiri sadeq mahsoule wasiirka Arrimaha Gudaha wadanka Iiran.
Waxaa doorashadda wadanka Iiran isu soo taagay 4 nin oo iyagu ku tartamayy Jagadda madaxtinimo ee wadanka Iiran waxaana Doorashadda loolankeedu ahaa labbadda nin ee isugu soo baxay Doorashadda Cirifkeeda halka labaddi nin ee kalena ay ka hareen Tartankii Doorasho ee Wadankaasi ka dib marki ay heleen wax yar %.
 
Mousavi Hogaamiyaha la tartamaya Madaxweynaha Taladda dib ula wareegaya ee Axmedu Najad ayaa waxa uu yiri"Rafcaan ayaan ka Qaadanaynaa aniga iyo Taageerayashayadu Doorashadda waa in Dib loogu soo celiyaa Waa la is daba maryeeyay".
Madaxweyne axmed najad waxaa la filayay inay Codayntiisa bixin doonaan dadka Saboolka ah iyo dadka miyiga Dagan halka Ninka sida wayn ula Tartamay Madaxweyne Najad uu Taageero farabadan ka haystay dadka Jaamacadaha Dhigta Macalimiinta iyo Aqoonyahanadda.
Madaxweyne Najad waxaa la filayaa inuu wax ka qabto arrimaha Dhaqaalaha wadankaasi oo ah halka Xagal daacisay Tartankiisa Doorashadda wadankaasi iyadoo dadka Dhaqaalaha u doodaya sheegayan in Kaabayasha Dhaqaale aanu wax ka Qaban Mr:Najad.
 
Mahmoud Ahmadinejad: 62.6%
Mir Hossein Mousavi: 33.8%
Mohsen Rezai: 1.7%
Mehdi Karoubi 0.9%
Turnout: 85%
Kuwani waa Afarta Nin ee ku tartamayay Doorashadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Muuqaalkaasi Soo Bandhigtay.


Wadaadka Aaayatulaahi Cali khamanayn oo ah wadaadka ugu sareeya Xaga diinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiran "Cadawga Kuma farxayan Dhacdooyinka Niyad samida u ah dadka Reer Iran taasina waa Guul".
Musharaxa Hossein Mousave ayaa ku andaconaya in wax la is dabamariyay Booliiska ka hortaga Rabshadaha ayaa isticmaalay Gaaska dadka ka ilmaysiiya iyo Rasaaska caaga ah ka dib isu soo baxa Taageerayasha Mousave.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com