shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaa uu Yahay Heshiiska Dhexmaray Puntland iyo Hayadaha Range Resource iyo African Oil.

(Puntland.  June 10 ,  2009 Ceegaag Online)

Dawlad Goboleedka Puntland waxaa Dhawaanihi Ugu dambeeyay laga Hadal haayay Heshiisyo Dhexmaray Wakaaladda Macdanta Iyo shidaalka Dawlad Goboleedka Puntland iyo Hayadaha Baarista Shidaalka iyo Macdanta Dawlad Goboleedka Puntland waxaana Dawlad Goboleedka Puntland shaacisay inay Aqoonsantahay Heshiisyaddi hore ee Dhexmaray Maamul goboleedka Puntland gaar ahaan Madaxweynihi hore Gen:Cadde Muuse iyo Hayadaha Range Resource iyo waliba hayada African Oil.
 
Peter Landau oo ah Madaxa Shirkadda Range Resource ayaa isagu Shaaciyay in ay Kulamo kala Gedisan la Qaaten Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Wakaaladda Macdanta iyo Shidaalka Puntland gaar ahaan Ciise Dhoolawaa oo ah isagu Agaasimaha Guud e Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka.
 
marka la eego Kulankaasi ayaa ah mid Quudaraynayay Heshiiska xukuumadda Cusub ee Puntland ay la galayso Hayadaha la filayo inay Heshiisyadda Tooska ah la saxiixan Xukuumada uu Hogaanka u hayo Madaxweyne Faroole iyadoo Ciise Dhoolawaa Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalku uu shaaca ka qaadya in Heshiisku Najaxay.

Ciise Maxamuud Dholowaa

Hadaba waxaa Warsaxaafadeedkan aad Hoos ka daalacan doontaan ku jira Xaqiijinta in Ciise Dhoolawaa Agaasimaha Macadanta iyo Baatrolka Puntland uu sheegayo in puntland ay donayso in si cad Heshiisyo aan qarsoonayn Loo galayo.
 
Maanta waxaa ka soo baxday Magaaladda Caasimadda ah ee Garoowe Warsaxaafadeed uu ku saxixanyahay Agaasimaha wasaaradda Macdanta iyo shidaalka Dawlad goboleedka Puntalnd Ciise Maxamuud Dholowaa(Hoos ka Akhri).
(Scan Paper View)

 
Waa Shirkadehe Kuwa Lala Heshiiyay.
 
warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda Africa Oil ayey ku sheegtay in ay xog wanaagsan ka heshay sahamintii ay ku samaaysay aagga Dooxada Dharoor, sahamintaas oo ay sheegtay in ay gabagabaysay December 3, 2008. Waxaana warsaxaafadeedkaasi xusay in laba toddobaad gudahood ay bilaabayaan fasiraadda xogtii laga helay sahamintii ay sameeyey shirkadaha heshiiska kula jiray shirkadaas oo ah IMC/TESLA oo laga leeyahay UK iyo Canada. Ilaa hadda (April 3, 2009) ma jirto meel Dawladda, Baarlamaanka iyo shacabka Puntland loogu soo bandhigay natiijadii ka soo baxday sahamintii Dooxada Dharoor, baaritaankaas iyo wixii la ogaadey. Waxay xilligaas shirkaddaasi sheegtay in qoditaanka ceelasha shidaalka la bilaabi doonto sannadkan 2009.
 
Africa Oil oo Hadana Qandaraas kale la Gashay Shirkad Kale arrinta Baarista Shidaalka Puntland:-
 
Africa Oil waxay sheegtay in shirkadda Raytec ku wareejinayso boqolkiiba 25% macaashka laysanka heshiiska wax soo saarka ee Dooxada Nugaal iyo Dharoor ee Puntland, Soomaaliya.
Sidoo kale Africa Oil waxay Raytec ku wareejinaysaa boqolkiiba 10% macaashka heshiiska wax soo saarka ee aagga loo yaqaan Block 9 iyo boqolkiiba 25% macaashka laysanka ee Kenya.
 
Waxaa warku tibaaxay in shirkadda Raytec ay qorshaynayso in ay aagaggaas ka hawl gasho 2009 iyo 2010.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com