shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Faroole oo Qardho Yimi iasaga oo kusii jeeda Maraykanka(Daawo Sawirada)

(Qardho.  June 16,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta soo gaaray Gudaha magaaladda qardho ee xarunta gobolka karkaar madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland C/raxman maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo waxaana madaxweyne faroole ku soo dhaweeyay Magaaladda qardho masuuliyiinta maamulka gobolkam, Degmadda, Nabadono, Aqoonyahano, Siyaasiin, iyo qaybaha ururadda Bulshadda rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu magaaladda soo galay abaarihi 1:30 duhurnimo iyadoo Qado sharaf madaxweynaha iyo wafdigiisa loogu sameeyay Hotel Alla-Aamin ee magaaladda Qardho waxana qado ka dib la guda galay khudbado kala duwan oo halkaasi laga jeediyay.
Ugu horayntii waxaa hadalka furay Gudoomiyaha Degmadda Degmadda qardho Cismaan buux cali oo halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa isaga oo ka sheegay inay aad ugu faraxsanyihin Imanshaha Madaxweynaha oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee Madaxaweyne Faroole yimaado Magaaladda Qardho.

Iyadoo uu Makroofanka Xiriirinayay Gudoomiyaha Degmadda Qardho Cismaan buux cali ayaa waxaa Makroofanka lagu soo dhaweyey Ganacsade Abshir Muuse Siciid oo ka mida Ganacsatadda Reer Puntland gaar ahaan Magaaladda Qardho abshir muuse ayaa ka hadlay Xaaladaha Ganacsiga DGPL isagoo sheegay in Puntland ay ka jirto Dhibaato ay ganacsatadu qabto isla markaana Canshuurta aad loogu Qaali gareeyay dadka Ganacsiga waxaana uu sheegay in la dhimo Canshuurta dawladda ee Ganacsatadda isagoo sheegay inay Aad uga cabanayaan Dhibaatadda Ganacsiga iyo canshuurta aadka loo kordhiyay ee dawladda.

Sidoo kale waxaa makroofanka isna lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka karkaar Yoonis cali faarax oo halkaasi ka jeediyay Hadalo kooban Yoonis cali faarax Gudoomiyaha gobolka karkaar Yoonis ayaa waxaa ka hadlay Xaaladaha amaan ee Gobolka"Gobolkani karkaar dhibaato ba'ani kama jirto marka laga reebo Qaadka iyo Isbaarooyinka sharci daradda ah ee loo dhiganayo taasi oo buu yiri dhibaato ku ah amniga gobolka karkaar isla markaana waxaa uu sheegay gudoomiyaha gobolku Yoonis inay ka jirto gobolkani karkaar Biyo yari aad u baahsan ka dib markii ay yaraadeen Roobabkii guga ee ka curtay Gobolkani karkaar taasi oo ay dhawaantani Qaylo dhaan ka soo saareen".

Intii lagu guda jiray Khudbadihi halkaasi laga jeedinayay ayaa sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Nabadoono kala duwan waxaana ka mid ahaa Nabadon Maxamed aadan Cali oo ka mida Nabadoonadda gobolka Karkaar ee Maamul goboleedka puntalnd isagoo Nabadoonku sheegay inay aad ugu faraxsanyihin Imaanshaha Madaxweynaha ee Gobolkani.
Ugu dambayntii waxaa Makrofanka lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dawlad goboledka Puntland C/raxman Maxamed Maxamud Faroole waxaana madaxweynaha uu ka hadlay Xaaladaha ay u soo jeediyen Masuuliyinta Degmadda iyo Gobolkani iyo xaaladaha Puntland
"Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsan Imaanshaha Magaaladda Qardho waxaan usoo jeediayaa Shacabka Magaaladda qardho inay Amaanka ka shaqeeyan runtii Magaalani waxay ku taala Goob Istaraatiiji ah oo ah Xudunta Puntland wanaaga amniga qardho waxaa ku dhisan inta kale Goboladda PUntland Qaadku waa rabshadda koowaad waxaan isku dayaynaa inaan galno Olole aan ku joojinayno Qaadka ka hawlgala Puntland oo buu yiri ay saaren xooga yar oo canshuur ah" waxaa yiri Faroole.

 
"Anaga waxaa na cusuntahay Dawladda Maraykanka waxana u socdaa Safar Berito ayaan ambabaxayaa waxaan idin leeyahay reer puntland danta halaga shaqeeyo dad afmiisharo ah ayaa jira oo beenta alifa Mashaariic farabadan ayaan wadnaa sida Dhamaystirka Airoportga Magaaladda Bosaso iyo mashaariic kale oo horumarined".

Isku soo wadda duubo madaxweyne c/raxman faroole ayaa u soo gudbay Dhanka magaaladda bosaso halkaasi oo uga ambabixi doono dhanka iyo wadanka Maraykanka oo laga casumay Puntland.
 
Maraykanka oo casumay Madaxweynaha Puntland.
 
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole ayaa u ambabaxay dhanka iyo wadanka maraykanka ka gadaal markii ay Casuntay Dawladda Washington Madaxweynaha ayaa ka ambabaxay Magaaladda Bosaso isagoo u kicitaymaya Carriga Maraykanka .
 
Waa markii ugu horaysay ee Dawladda Maraykanka ay Casunto Madaxweynaha Puntland C/raxman faroole isagoo kala Hadli doona waxyaalo badan sida Iskaashiga dhanka amaanka iyo sido kale Xal u helida somalia iyadoo ay ugu wayntahay in Madaxweynuh ka qaybgalo shir looga hadlayo Arrimaha somalia oo ka dhacaya America.


Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com