shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Gobolka Gobolka Karkaar oo Maanta soo saaray Qaylo Dhaan!.

(Qardho.  June 11 ,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta Shir jaraa'id ku qabtay Magaaladda Qardho ee Xarunta ee Gobolka Karkaar Gudoomiyaha Gobolka karkaar yoonis cali faarax waxaana gudoomiyaha gobolka karkaar yoonis cali faarax uu shirkiisa jaraa'id kaga hadlay Qaylo dhaan ay maanta ka maamul ahaan soo saaren kaasi oo ahaa mid loo jeedinayay xukuumadda oo uu ugu horeeyo madaxweynaha puntland Cabdiraxmaan faroole iyo hayadaha Qaramadda midoobay ee ka hawlgala Dawlad goboleedka puntland.
 
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee Dawlad goboleedka Puntland Yoonis cali faarax ayaa sheegay in gobolkani guud ahaantiisa ay ka jirto biyo yari abaaro iyo nafaqo la'aan haysata dadka reer guuraaga ah ee ku sugan Magaaladda qardho iyo Nawaaxigeeda iyadoo magaaladda Qardho ay ku Tiirsantahay Xoolaha nool iyadoo ay Magaaladda ku taalo Saylad lagu iibiyo xoolaha nool halkaasi oo dakhliga ugu badan magaaladda uga soo baxo maamulka Degmadda.
 
Gudoomiyaha gobolka karkaar yoonis cali faarax ayaa baaqani ku sheegay in maanta laga bilaabo ay baaqyo caalami ah u dirayaan hayadaha caalamiga ah ee ka hawlgala dawlad goboleedka puntland kuwaasi oo buu yiri in badan aan waxba ka qaban hawlaha codsiyadda iyo baaqyadda ay u jeediyaan maamul ahaan isla markaasna heshiiyo badan aan la fulin.
 
 
"Annoo ku hadlaya Magaca Maamulka gobolka karkaar waxaan halkaan ka sheegayaa in gobolka ay ka jirto roob yari waxaana ay kurbo iyo dhibaato haysata dadka somalida ah e degan gobolka oo ku yaala goob ay dadku ku tiirsanyihiin Xoolaha nool hadaba waxaan maanta aan doonayaa inaan iftiimiyo in gobolka ay dhibaatadan ka taagan tahay maamulka puntland ilaa heer madaxweyne iyo hayadaha caalamiga ah sida QM NGO iyo qaybaha maxaliga waxana ka codsanayaa inay u gargaaran dadka Dhibaataysan".
waa markii ugu horaysay ee ay maamulka gobolka karkaar ay soo saaraan qaylo dhaanta caynkani oo kaleeto ah iyadoo ay sheegen in roobabkii gugu aanay kaafin dadka iyo Duunyada.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com