shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Somaliland oo  Kharashka doorashadda u gudbisay Guddiga Doorashooyinka.

(Hargaysa.  June 28,  2009 Ceegaag Online)

Xukuumadda somaliland ayaa waxay u gudbisay guddiga Doorashoyinka ee somaliland kharashka saamiga ah ee la gu bixinayo doorashadda la filayo inay dhacdo Bilaha soo socda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddiga doorashooyinka maamulka somaliland ayaa lagu cadeeyay in guddiga doorashadda ay soo gaartay lacagti commisionka doorashadda oo gaaraysa  SLSH 7, 200, 000, 000 una dhiganta hal milyan oo dollar, waxaanu intaasi ku daray hawlaha serverka la soo gebagabayn doono maalinta Arbacada ee toddobaadka danbe.

Doorashadani oo buuq badan ka dhashay ayaa heshiisyo la gaaray ka dib waxaa la isku raacay in 27-Sep-2009 la qabto doorashoyinka maamulka somaliland.

Warsaxaafadeedkani ka soo baxay Guddiga doorashooyinka somaliland oo nuqul ka mida uu soo gaaray Shabakadda Ceegaag Online waxaa uu u qornaa sidatan:-

wada hadaladii u bilaabmay axsaabta qaranka ee 16-kii may ee lagu falanqaynayey dhamaystirka hawlaha doorashada madaxtooyada ee Somaliland waxa ka dhashay heshiiskii axsaabta qaranka ee 27 kii May, 2009 ee diyaargarowga doorashada madaxtooyada.

Iyada oo heshiiskaa laga ambo qaadayo Komishanka qaranku waxay bilaabeen in xisbiyada Qaranka ka wada shaqeeyaan dhamaystirka arrimaha soo socda:

1-Guddida farsamada ee Diiwaangelintu waxa ay isu raaceen hawlgalka habraaca dhamaystirka hawlaha serverka (Parametress).


2-Waxa gebogebo taagan xeerkii habdhaqanka axsaabta Qaranka ee doorashada madaxtooyada.

3-Waxa la isla qaatay dhamaystirka wixii goldaloolo sharci ah, si loo sameeyo lifaaq wax ka beddel xeerka doorashooyinka ee Lam. 20/2001 iyo xeerka diiwaangelinta.

4-Waxa dhamaystirmay oo ay dawladdu bixisay saamigii kharashkii dawlada ee doorashada mdaxtooyada oo lagu shubay xisaabta komishanka taas oo dhan SLSH 7, 200, 000, 000 una dhiganta hal milyan oo dollar.

5-Komishanka Qaranku wuxuu dadweynaha, asxaabta, dawlada ku baraarujinayaa inay hareeraha iska taagaan sidii looga midho dhalin lahaa qabsoomida doorashada madaxtooyada oo qaban qaabadeedii la guda galay.
 
Isku soo wadda duuboWarsaxafadeedkani ayaa waxaa soo saaray Jaamac Maxamuud Cumar guddoomiyaha Komishanka Qaranka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com