shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan ka furmay Magaaladda Riyaad oo looga hadlayo Saamaynta Burcadbadeeda ee Badda cas.

(Riyaad.  June 30,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta ka furmay Magaaladda Riyaad ee wadanka sucuudi careebiya kulan balaaran oo ay isugu Yimaadeen Wadamadda carabta ah ee kulaala xeebta badda cas ee isku xirta wadamadda loo yaqaan Khaliijka iyo somalia kulankani ayaa waxaa looga doodi doonaya ajandayaal muhiim ah marka la eego Nabadgalyadda sida arrinta burcad badeeda somalida iyo sidii loola dagaalami lahaa maadama intii ka dambaysay Bishi May:ay ka ugaarsanayen xeebta badda cas kulaasha.
 
Kulankani ayaa waxaa ka soo qaybgalay Taliya Yaasha Ciidamada Badda, Khubaro iyo Wasiirada Arimaha Dibada ee Dowladaha Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Dowladaha Carabta ee Badda Cas kulaala waxaana furay furitaanka shirka Talyaha Ciidamadda badda sucuudiga.
 
Taliyaha Ciidamada Badda Sacuudiga Fahad Bin C/laahi ayaa kasheegay Furitaankii kulanka in hadafka kulankan uu yahay in Iskaashi Buuxa laga yeesho sidii loo daraaseyn lahaa wadooyinka iyo Imkaaniyaadka lagu Nabad galin karo Badmareenada Mara gacanka Carabta iyo in ay iska kaalmeystaan Dowladaha Saaxiibka ah ladagaalanka Burcad Badeedda.
 
Waxa uu intaa ku daray in Burcad Badeedu ay noqtay mid Khatar Weyn ku heysa Danaha Carabta dhinaca Dhaqaalaha iyo Handadaada Badmareenada Caalamiga ah iyada oo ahmiyad la siinayo in ay Talaabooyinkaan ay waafaqaan Sharciyada Caalamiga ah isla markaana ay hoostagaan Q.M.
 
Waxaa uu intaa kudaray in Badda ay Mataleyso ilin ay ka gudbaan Waxyaabaha ay soo saaraan Wadamadoodu iyo waxyaabaha ay keensadaan sida Batroolka iyo Badeecooyinka kale nisbo gaareysa 90% Xilli Handadaada Khadadka Badmareenada uu hoos u dhac ku yimid wuxuuna khatar ku noqday Amniga Dhaqaalaha si gaar ah iyo amniga Qaran si guud isla markaana soo kobcidda burcadbadeeda ayaamahan danbe ay khatar ku tahay ganacsiga dalalka ku bahoobay ururka Iskaashiga Khaliijka.
 
Hogaamiyaha ciidamada Badda ee Sucuudiga ayaa dalbaday in la hor istaago daahirada Burcadbadeeda isla markaana lagu bixiyo dadaal dheeraad ah si amniga mandiqada loo ilaaliyo wuxuuna codsaday in la taageero xukuumadda soomaaliya.
Hogaamiyaha ayaa tilmaamay in ay isha ku hayaan isbadallada siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya wuxuuna intaa ku daray in ay aad uga walwalsan yihiin deganaansha la’aanta ka taagan dalka soomaaliya.
 
Marka la eego Bishi june dhexdeedi ayay ahayd marki warbixin ay si wadajir ah usoo saareen Waaxda badmareenadda Bariga africa iyo Dawladda maraykanka lagu sheegay in kooxaha Burcad badeeda somalida ay hawlgaladoodi u wareejiyen xeebta badda cas.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com