shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Degmooyinka Ceegaag iyo Horufadhi oo la Gaadhsiiyay Deeqo kala Duwan.

(Ceegaag.  June 12 ,  2009 Ceegaag Online)

Ha'adda Norwegian People's Aid ayaa waxay deeq gaadhsiiyay degmooyinka Ceegaag iyo Horufadhi.  Deeqdan la gaadhsiiyay degmooyinkan ayaa  isugu jirtay Bustayaal, Maacuun, iyo Bacaha laga galo roobabka.  Deeqdan ayaa waxaa ha'ayada ka gudoomay Gudoomiyayasha Degmooyinka Ceegaag (Cabdi X.Cali Cilmi) iyo Horufadhi (Xiir X. Nuux Aw-Maxamuud).
 
Deeqdan oo uu waday gudoomiyaha degmada Horufadhi Xiir Xaaji Nuux ayaa si siman loogu qaybiyay labada degmo iyadoo deeqdan laga fuudh yeelay dadwaynaha siday u kala jilicsan yihiin iyada oo mudnaanta loo kala siiyay sidatan,

1. Curyaamiinta

2. Agoomaha

3. Dadka danyarta ah.

4. Dadka waayeelka ah.

Waxaa xusid mudan in dadwaynaha u soo hayaamay deegaanada ku xeersan labadan degmo si la mid ah sida dadka degen magaalooyinkan deeqdan loogu qaybiyay.

Waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Degmadda Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi(Cabdi Riigle) qaybinta qaybta deeqdan ee ka dhacday Ceegaag.  iyadoo Halkaasi laga jeediyay khudbado kala duwan waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmadda Ceegaag oo u mahad celiyay Hayadda Norwegian People's Aid oo ah hayadda soo gaadhsiisay deeqdaa.

Gudoomiyaha degmadda Ceegaag ayaa sheegay in degmooyinka Horufadhi iyo Ceegaag ay yihiin goobo ay marki hore ka da'een roobabkii Gu'ga balse ay ku yaraadeen ka gadaal markii dadwayne farabadan oo reer guuraa ah kaga soo hayaameen deegaankan  deegaano farabadan oo ku teedsan dhulka Soomaalida.


Ma aha markii ugu horaysay ee deeq caynkan oo kale ah  la soo gaadhsiiyo dadweynaha reer Ceegaag balse dhawaantan ayay ahayd markii Hayada Bisha Cas deeq raashin ah gaadhsiisay degmadan.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com