shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Itoobiya oo kasoo jawaabtay dalabkii dawlada Soomaaliya

(Soomaaliya.  June 21,  2009 Ceegaag Online)

Ciidamadda wadanka itoobiya ayaa iminka waxay ku jiraan Somalia balse ma muuqato hawlagalo Nidaamsan oo bilawday Ciidamadda itoobiya ayaa soo galay Gobolka hiiran ee Bartamaha somalia waxaana ciidamadaasi ay soo gaareen Deegaanka kala bayrka iyo Juunda kundishe ee oogadda Magaaladda Istaraatijiga ah ee Beledweyne.
Wararka soo baxaya ayaa tibaaxaya in Ciidamadda itoobiya ay iminka ku suganyihin Jante Kundhishe oo 15-KM u jirta Beledweyne.

Wararka ka soo baxay magaaladda Beledweyne ayaa sheegay in Magaaladda ay ka dhacayso Rasaas Goosgoos ah taasi o aan la garanayn cida ay u dhaxayso iyadoo magaaladda ay isku haystaan Kooxda Islaamiga ah ee Hizbul Islaam iyo Ciidamadda Dawladda somalia.

gudaha magaalada B/Weyne waxaa haatan ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan, inkasta oo xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ah iyo ciidamada Dowladda ay isu diyaarinayaan sidii ay magaalada ammaankeeda ula wareegi lahaayeen.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kale oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in jihada gobolada Bay iyo Bakool ay iyana ku soo wajahan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo saacadaha soo socda iyana la filayo inay gaaraan magaalada Baydhaba oo haatan ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen diyaar garow dagaal oo kooxda Al-Shabaab ay halkaasi ka waday.

Dhinaca kale wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Itoobiya ay howlgallo milateri ka fulinayaan gudaha dalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku baacsanayaan kooxaha ka horjeeda Dowladda KMG ah oo iyagu la wareegay inta badan K/Soomaaliya, waxayna tallaabada ciidamada Itoobiya ku soo beegmeysaa markii labaad oo gacantooda ay ka bixiso kooxaha Islaamiyiinta ee la sheegay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Qaacida sida Xarakada Al-Shabaab.

 
Waxaa xusid mudan in Cidamadda itoobiya oo wata Dabaabadaha dagaalka oo taageeraya dawladi Hore ee C/laahi yuusuf ay galeen Magaaladda muqdisho 29-Dec-2006 halkasi oo rabshado iyo fawdo hor leh ka dilaacday waxaana muuqata in Dawladda hadda ay hogaamiyaan Hogaamiyayaal Islaami ah oo qunyar socod ah raaceen Tabtii Dawladii Hore ee uu hogaanka u hayay Madaxweyne Yuusuf.
Isku soo wadda duubo talaabadani waxay imaanaysa Xili Baarlamaanka somalia ay ku dhawaaqeen inay dhawdahay in Dawladda burburto oo lala so gaaro Kaalmo ciidan oo degdega ah.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com