shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaallo laga nastay muqdisho iyo xaalado Dagaal oo soo ifbaxaya.

(Muqdisho.  June 28,  2009 Ceegaag Online)

Maalmihi ugu dambeeyay magaaladda muqdisho ee caasimadda somalia waxaa ka jiray xaalad deganaansho ka dib markii maalmihi la soo dhaafay uu jiray dagaal dhufaysyadda la isu qotay oo ka dhacay muqdisho dagaalkani oo awal saamayntiisu ku ekayd koonfurta muqdisho ayaa ku soo fiday Waqooyiga halkaasi oo ah goobta kaliya ee Strategy ahaan ay isku haystaan labadda dhinac ee dagaalamaya waxaana dagaalku u muuqda iminka mid bartilmaameedkisu ka muuqdo Degmadda kaaran oo ah goob muhiim u ah Awooda dawlada waxaana degmadasi isku horfadhiya labadda dhinac iyadoo ilaa maalintii dagaalku joogsaday laga maqlayay rasaas Teel-Teel ah.

Kooxaha mucaaradka islaamiyiinta is kaashanaya ayaa bilaabay qorshayaashii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay ku wiiqaan awooda dowlada tan iyo markii ay dhowaan Dowladda dalbatay Ciidamo shisheeye.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xoogaga Mucaaradka ay gulufkii ugu adkaa ugu jiraan sidii dagaalo ballaaran ugu qaadi lahaayeen Dowladda kadib markii ay soo qabsadeen inta badan Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogag fara badan oo ka kala yimid Gobolada dalka ay saacadihii u dambeeyay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaasoo qeyb ka ah dagaalka la doonayo in xukunka lagaga tuuro Dowladda KMG.

Inkastoo ay maalmahan tahay xaalada Muqdisho mid degan ayaa hadana waxaa la dareemayaa gulufyo xoogan oo ay wadaan Kooxaha mucaaradka si ay u sii dhameystiraan qeybta uga hartay dagaalkooda ku saleysan wiiqida awooda Dowladda.

Diyaar garowga dagaal ayaa ah mid isa soo taraya, waxaana Saraakiisha sar sare ee kooxaha mucaaradka dowladda ay wadaan kulamo hoose oo ay ku dajinayaan qorshaha cusub ee dagaaleed, kadib markii ay maalmihii u dambeeyay ku guuleysteen dagaaladii ka dhacay Waqooyiga muqdisho.

Ma cada tallaabooyinka soo socda iyo waxa xiga doono, laakiin diyaar garow socda ayaa ah mid aan laga fursan karin dagaalo ballaaran oo ka dhaca Magaalada Muqdisho, kaasoo ay Mucaaradka ku doonayaan inay gebi ahaanba ku qabsadaan magaalada inteeda kale.

Marka la isbarbardhigo awoodaha dawladda iyo kooxda nabadiidka ah ee islaamiyinta somalia waxay u muuqdaan kuwa aan isu dheeli tirnayn madama kooxaha mucaaradku haystaan magaaloyin badan oo Istaraatiji ah iyadoo ay dawladu haysato inta amison ilaaliso ee ku kooban,Dekedda,Airoportka iyo goobo kale balse dagaalka iyo gulufkiisa ayaanba hakanayn.

Waxaa muuqata in hubkii maraykanku ay xooga taabo galin u ah siinayo dawlada somalia oo iyadu sheegtay beriba inay naf lacaari tahay dadka rayidka ah ayaa ka cararaya dagaaladda iyagoo beegsanaya hadba meeshi ay isdhahaan waa gabaad dadka ayaa gaaray goboladda dhexe ee somalia iyo waliba Puntland iyagoo ka cararaya dagaaladda aan joogsiga lahayn ee muqdisho ka soconaya taasi oo ku kaliftay inay ka baxsadaan magaaladda.

Taliyaha dhinaca howlgelinta ee ciidamada AMISOM oo wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal cusub oo ay damacsan yihiin inay xaalka Soomaliya ku wajahaan isagoo sheegay inay doonayaan inay taageeraan hanaanka nabada ee Soomaliya.

Mr. Okelo ayaa sheegay in ay haatan baadigoob ugu jiraan sidii ay heli lahaayeen ciidamo dheraad ah oo wadamo kale ka socda oo ay u iman lahaayeen magaalada Muqdisho si buu yiri ay qeyb uga noqdaan cidaamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay safar uu ku marayo dalal dhowr ah afhayeen cidaamada AMISOM Bridgye Bkuku kaaso raadinaya taageero dhinaca ciidanka iyo dhaqaaleba sidii loogu taageeri lahaa ciidamada AMISOM.

dhinaca kale waxa uu meel iska dhigay war dhawaan ka soo baxay hay'ada xuquuqda aadanaha u doda ee Human Rights Watch taasoo ka codsatay midowga afrika inuu baaritaan madax banaan ku sameeyo falalka xasuuqa ah ee lagu eedeeyay ciidamada AMISOM.

Mr. Okelo waxa uu ka codsaday Human Rights watch inay la timaado cadeyn cad oo muujineysa in AMISOM ay xasuuq u geysanayaan shacabka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in ujeedkooda uusan aheyn inay xasuuq geystaan balse ay yihiin ciidamo nabada ilaaliya.

Dalabka dheeriga ah ee ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaya xilli ay colaado weli ka kacsan yihiin magaalada Muqdisho islamarkaana ay dowlada soomaliya ku jirto diyaargarow madaama ay saanad meleteri ka heshay dowlada Mareykanka.

Sidoo kale AMISOM ayanan u muuqan kuwa dib haatan uga laaban doona soomaliya iyagoo ku dhawaaqay inay idaacad ka furi doonaan muqdisho taaso ku hadasha ahdaafta Ciidamada AMISOM.

Isku soo wadda duubo dawladani haatan lo soo dhisay somalia waxay u muuqata mid aan ka duwanayn dhibaatadi hore ee la soo daristay dawladi ka sii horaysay taasi oo ah inay awood u yeelanwayday inay baajiso dagaaladda ka holcaya koonfurta somalia waxaase ay tahay mar haddi heshiis laga caalwaayay inay tahay xaalada somalia Cidna uma maqna ceelna uma qodna waxaana aan hadda muuqan saansaan uu dagaalku joogsan karo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com