shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaaladda Muqdisho oo Goobo Dhawr ah ay La wareegen Ciidmadda Dawladda KMG ee Soomaliya.

(Muqdisho.   June 02 ,  2009 Ceegaag Online)

Ilaa Maalinimaddi shalay ahayd ayaa waxaa ka soconayay Magaaladda Muqdisho waxaana dagaaladani shalay ay ka dhacayeen Degmadda Yaaqshiid halkaasi oo saldhigi Degmadda Yaaqshiid gacan ku hayntiisi ay la wareegen Ciidamadda Dawladda kumeel gaarka ah ee Somalia.
 
Dagaaladani ka soconayay Magaaladda Muqdisho Maalmihi ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sababeen Barakac Bahsan oo dadka Degaanka ah waxaan dadka Barakacay u barakecen Deegaanadda Ceelasha Biyaha,Goboladda Dhexe iyo Puntland.
 
Marka Maanta la eego xaalada Dagaalka aanu ka helayno ayaa cadeynaaya in dagaal qaraar uu haatan ka bilowday Ciidamada dowladda iyo kooxaha Hubaysan ee ka soo horjeeda degmada Dharkeenlay, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan iyo dhawaqa madaafiicda culus oo deegaankaasi ka dhacaysa.
 
Dadka Deegaanka Dharkaynlay ayaa ku soo baraarugay dhawaqa rasaasta, iyadoo dagaalku uu haatan xoogiisu ka socdo xafadaha Dabaqeyn, Xoosh, Sarmadoow iyo deegaanka kaxda ee degmada Dharkeenlay .
 
 
Ciidamada Dowladda ayaa si xoog leh u galay dagaalkaasi, waxaana la arkaayay Ciidamadii lagu soo tababaray dalka Uganda oo dagaalka ku jira, iyadoo kooxaha kale ee ka soo horjeeda dowladda ay iyana yihiin Xoogaga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.


Lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka soo gaaray dadka rayidka ah, waxaana deegaanadaasi qaarkood ka bilowday inay dadka ka barakacaan, waxaana qasaare baaxad leh ka soo gaaray dagaalkaasi dadka rayidka ah ee deegaankaasi ku dhaqan.


Sidoo kale ma jiro wax dagaalkaasi ilaa iyo hada ka hadlay labada dhinac, wuxuuna dagaalku u muuqdaa mid si xoog leh ku socda, iyadoo la maqlaayo daryanka Madaafiicda iyo rasaasta ka dhacda Qoryaha Cul culus.
Qoysaska barakacayaasha ee ka cararaya dagaalada Muqdisho ayaa gaarey degmada Balcad, waxaana dadkaasi ay u badan yihiin haween iyo carruur ka qaxay qeybaha koonfureed ee magaalada Muqdisho.
Wariyayaasha ku sugan gobolka ayaa soo sheegaya in dadkan ay yihiin kuwii ka qaxay dagaaladii u dambeeyey ee Muqdisho ka dhacay, waxaana haatan ku heysta degmada xaalad nololeed oo adag, iyagoo aan heysan cid u gurmatay illaa iyo hadda.


Dad kale oo ka barakacay degmada Mahadaay ayaa iyaguna gaarey qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, waxaana dadkan ay ka firxanayaan xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka kuwaasi oo u dhexeeya xoogaga Xisbul Islaam iyo kuwa Maxkamadaha.


Dadka ka barakacaya magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa sababo la xiriira dagaalada ka jira magaalada.
 
 
Waxaa wadooyinka ka baxa Muqdisho lagu arkayaa gawaari ay la socdaan qoysas barakac ah oo ka cararaya caasimada ay dagaaladu hareeyeen.
Marka la eego Xaaladda Dagaalka ayaa sabab u noqon karta Barakaca Dadweynaha ka Cararaya Dagaalka.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com