shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal saaka ka bilawday Muqdisho oo socda iyo Sarkaal sare oo ku Dhintay Aaga Dagaalka.
 

(Muqdisho.  June 17,  2009 Ceegaag Online)

Taliyihii Booliska G. Banaadir Marxuum Cali Siciid Sheekh Xasan

Wararkii ugu dambeeyay ee daqiiqado kahor naga soo gaaray degaanno ku yaala duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Kaaraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka bilowdeen dagaallo u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka horjeeda.


Dagaaladaasi oo labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, mana jirto ilaa iyo haatan qasaaraha rasmiga ah ee dagaaladaasi ay geysteen, bacdamaa ay weli socdaan waxaana jira waxyeello ay dagaaladaasi u geysteen dadka rayidka ah.


Ilaa iyo haatan wararku waxay sheegayaan in dagaaladaasi ka dhacay duleedka degmada Kaaraan sidoo kale ay sababeen inay ka barakacaan guryahooda kumanaan qoys oo degenaa suuqa Kaaraan iyo hareerihiisa, iyadoona gaadiidka xamuulka iyo midka BL-ka ah ay daabulayaan qoysaska ku dhaqan degmada Kaaraan xaafado ka tirsan.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay goobaha ay dagaalada ka socdaan dadka ku geeriyooday dagaalka ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 20-ruux iyo tiro intaasi ka badan oo ku dhaawacmay dagaaladaasi.
 
Dagaalada ka socda xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah weeraro ay saakay waaberigii soo qaadeen kooxaha mucaaradka Dowladda ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoona dagaalka ka socda duleedka Muqdisho uu noqday midkii ugu qasaaraha badnaa.
 
Marka la eego xaaladda dagaalka Dhanka kale waxaa Taliyihii Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir Cali Saciid Sheekh Xasan ayaa ku geeriyooday dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Tarbuunka ee u dhaxeeyay ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.


Geerida taliyaha Ciidanka booliska ayaa la sheegay kadib markii uu ku geeriyooday Hoobiye ku dhacay, waxaana la sheegay in Taliyihii Boliska Gobolka Banaadir uu ahaa saraakal ka mid ahaa sarakiishii ku jirtay dagaalkaas.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com