shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cumar Cabdirashid Sharmarke "Beesha Caalamku ha soo Faragaliso Xaalada Somalia".

(Nayroobi.   June 04 ,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Dalab u diray Beesha Caalamka Raysal wasaaraha Dawladda kumeel gaarka ah ee somalia isaga oo warfidiyenadda kula hadlayay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya waxaana raysal wasaare sharmaarke sheegay in Xaalado Murugsan ka taaganyihiin Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho isla markaana ay dhaqan Galiyaan Qodobaddi laga soo saaray Shirkii dhawantani ka dhacay Adis ababa ee wadanka Itoobiya waxaana uu sheegay in Xanibaad la saaro Xoogaga Muqaamadda.
 
 
Ra段isul wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu sheegay in dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee ay ku dhimanayaan dadka badani in ay ka danbeeyaan dagaal yahano shisheeye oo dalka dibada uga yimid.
 
"Waxaan ka rabnaa urur goboleedka Igad iyo kan midowga Africa in ay Soomaaliya difaacaan isla markaana ay ka doonayaan in ay cunaqabateeyn saaraan garoomada iyo dekedaha ay maamulaan xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg" ayuu yiri Ra段isul wasaaraha Soomaaliya.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay ra段isul wasaaraha in garoomada iyo dekedaha ay maamulaan xoogaga ka soo hor jeeda ay ka soo degaan dagaal yahayno ka soo tagay wadamada shisheeye ayuu yiri isagoo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Nairobi isaga iyo Wasiirka arimaha dibada wadanka Kenya Moses Wetang'ula.
Ra段isul wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalada ka socoda magaalada Muqdisho isla markaana ay wada qabsan doonaan magaalada,waxaana ammaan ku soo dabaali doonaa guud ahaan dalka ayuu yiri Ra段isul wasaaraha.
Isku soo wada duubo marka la eego hadalka ka soo yeeray Raysal wasaare Sharmarke waxaa u yahay mid Door ahaan ku soo aadaya Xili Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ay ku Hardamayaan Xoogaga Islaamiyiinta ee Maamulaya Inta badan Koonfurta iyo Dawladda kumeel gaarka ah.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com