shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Casho sharaf loo sameeyay furitaanka masjid jaamaca magaalada Boston oo uu kasooqaybgalay Xildhibaan Keith Ellison

(Boston.  June 28,  2009 Ceegaag Online)

 

Xafla d si wayn loo soo habeeyay looguna dabaaldagayay furitaanka Masjidka ugu weyn gobolka New England ee dalkan Maraykanka ayaa xalay lagu qabtay hotelka Marriott, oo kuyaala bartamaha magaaladan Boston.  Xafladan, oo ay soo qabanqaabiyeen dalada isutaga masaajidada ku yaala Boston iyo nawaaxigeeda ee lagu magacaabo Islamic Society of Boston Cultural Center, waxaa ka soo qayb galay dad weyn aad ufaraban oo isugu jiray culuma’udiin, waayeel, caruur, haween iyo marti sharaf kale oo lagu marti qaaday xafladaas. Xafladan oo siheer sare ah loo soo agaasimay ugu horayn waxaa lagu furay aayado Quraanka kariimka ah oo akhriyay mid kamida iimaamyada masaajidada gobolkan New England.

Kadib furitaanka xaflada waxaa dad waynaha loo soo bandhigay fariin cajal muuqaala oo uu soo diray badhasaabka  gobolkan Massachusetts  David Patrick. David waxa oo aad u mahad celiyay dadka Muslimiinta ah eek u dhaqan gobolkan isagoo si weyn ugu hanbalyeeyay guushan taariikhiga ah ee ay gaadheen. Patrick waxa uu kula dardaarmay bulshada muslinka ah inay ka qayb qaataan horumarka gobolkan. waxaa sidoo kale dadka la daawad siiyay cajal muuqaala oo ku saab sanayd  xafladii furitaanka oo uu kahadlay duqa magaaladan Boston, Tomas Minion maadaama dadbadan ay shaqeenayeen maalintii Jimcaha ahayd oo aanay fursad u helin inay ka qaygalaan xafladii furitaanka.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay oo ah nin uhuray naftiisa iyo maalkiisaba fidinta diinta Islamka iyo taakulaynta dadka muslimiinta ah. waxa uu soo bandhigan cajalad muuqaala oo ka turjumaysa  taariikhda ay kuleeyihiin qoyskiisa soo dhawaynta iyo ukhidmaynta  dadka xujayda ah ee yimaada magaalaga barakaysan ee Macca Saamir Al-Qarawi Waxa weeyaan nin ku takhasusay cilmiga architect islamarkaana hendisay qaab dhismeedka masjidka weyn ee Jimcihii la furay magaaladan Boston.

Waxaa sidoo kale madasha xaflada laguu soo dhaweeyay Dan King oo ah oday aad ugu dheer bulshada ku dhaqan magaaldana Boston. King waxa uu siweyn ugu soo dagaalamay in dadka laga tirabadan yahay ee maraykanka ay helaan xuqquq lamida tan dadka kaleay leeyihiin. King waxuu siweyn ula soo shaqeeyay Martin Lauder King. Abdulaahi Ali Abdurahman (Armaajo)  ayaa  lagu sharfay inuu gudoon siiyo shahaado sharf loogu talo galay Mr. Dan. 

 

Waxaa gunaanadkii xaflada lagu soo dhaweeyay Keith Ellison oo ah ninkii ugu horeeyay ee muslin ah oo loodoorto aqalka hoose ee baarlamaanka dakan Maraykanka.  Ellison waxa uu si qote dheer uga hadlay baahida ay bulshada muslimka ahi u qabaan inay helaan goobo badan oo ay ku soo bandhigaan xadaarada iyo dhaqanka suuban ee Islamka. Ellison waxa uu kula dardaarmay bulshada muslinka ah eek u dhaqan gobolkan inay u isku duubnaadaan kana qayb qaataan kaalita kaga aadan horumarinta wadankooda.Ugu danbayntii Ellison waxa uu ka codsaday in lataageero qorshaha uu wado Madaxweynaha wadankan Maraykanka mudane Barac Obama eek u aadan in xaga caafimaadka isagoo sheegay in lagamamaarmaan ay utahay in qofkasta uu helo caymis caafimaad isagoo xasuusiyay in malaayiin maraykan ahi aanay awood u lahayn inay iska bixiyaan lacagaha ay ugu baahan yihiin inay kudar yeelaan caafimaad kooda isagoo tusaale u soo qaatay dadka waayeelka ah ee maraykan.  

Daawo Sawirada



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com