shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Caruurta Da'da Yar ee ku Jirta Dagaalka Muqdisho Ma Runbaa?.(Daawo-Sawiro).

(Muqdiho.  June 14,  2009 Ceegaag Online)

Dagaalo lagu hoobtay ayaa ka socday Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho maalmihi ugu Dambeeyay Dagaaladu waxay u dhexeeyen Ciidmadda Dawladda kMG ah iyo waliba xoogaga ka soo horjeeda ee Magaaladda Muqdisho waxaana dagaalkani sababay in saxaafadda caalamku Indho gaara ku eegto xaaladda Dagaal ee somalia iyadoo dagaalka Guulo kala gaareen Labadda garab ee iska soo horjeeda.
 
Warbaahinta Reer galbeedka ayaa hadaba ka diyaarisay Warbixino kala duwan Dagaalka iyo Saamayntiisa shabakadda wararka ee Ceegaag Online ayaa isku dayday inay u kuurgasho Xaaladaha Dagaalkii Wargays laga Leeyahay wadanka Britain oo lagu Magacaabo Boston ayaa Diyaariyay Warbixin ku aadan xaaladaha Dagaalka Koonfurta Somalia.
 
Dagaalka Magaaladda Muqdisho wajiyo kala duwan ayaa uu leeyahay Dawladda kumel gaarka ah ee somalia waa ay ka hadashay Xaaladda Dagaalka waxaa shir jara'id ku qabtay Magaaladda Muqdisho Madaxweynaha Dawladda KMG ee somalia Sheikh sharif sheikh axmed
 
Shariif Sheikh axmed ayaa yiri"Ereteria iyo Ajaanib kaleeto ayaa soo hubeeya Kooxaha naga soo horjeeda mana u dulqaadan doono dhibaatadda dalkayaga iyo dadkayaga".
 
10-May-2009 sida idiin muuqata Wiilkani yar waa dhaawac waxaana uu ku dhaawacmay Dagaaladda isagoo Dhibaato ka soo gaartay waxa ka dhacayay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada wadanka somaia wiilkani yar Cusbitaal la geyay ka dib waxaa u geeriyooday Dhaawaci soo gaaray isagoo ka soo jeeday sida Wargayska lagu cadeeyay Kooxda Hubaysan.
 
Marka la isku soo xooriyo Xaalada Dagaal ee Magaaladda Muqdisho waxaa ay ka Turjumaysa Dulucda Warbixintayayadda Warbixin aan ugu Kuur galaynay waxyaabihi ugu dambeeyay ee ka dhacayay Magaalada Muqdisho.
 
Daawashada Sawiradu waxay Hordhac u yihiin Warbixintayadda oo aan Sawiradda ugu Talagalnay Fahanka guud ee Warbixintayadda-Da'yarta somalida ah ee Koonfurta somalia waxay indhaha ku kala Qaadan Dagaal iyo Dhiig Joogto ah oo Qubanaya.


 

By:C/rashid Maxamed Daahir

Qardho. Soomaaliya

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com