shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bunyamin Natanyahu"Dawlad Falastiin Leedahay waa Mid Xasilooni ku dhisan".
 

(Yuhuuda.  June 15,  2009 Ceegaag Online)

Raysalwasaare Benjamin Natanyahu oo ah Raysalwasaaraha Cusub ee Isreal kaasi oo lagu soo doortay Doorashadi Dhawaantan ka Dhacday Israel ee Yuhuuda hadaba Raysalwasaare Natanyahu ayaa waxaa uu ka jawaabay Cadaadis uga Yimi Washington oo madaxweyne Obama ka yimi Cadaadiskaasi ayaa ahaa markii Madaxweyne Obama oo safar dhawantan ku kala bixinayay Wadamadda Muslimiinta ka jeediyay Khudbad wadankaasi Masar taasi oo u kaga Hadlayay Xaalada Falastiniyinta oo ahayd "Falastin state" balse Raysalwasaare Natanyahu ayaa Maanta oo axad ah isagoo ka hadlayay Bar Ilan University ee magaaladda Talaabiib Caasimadda Yuhud waxaana uu sheegay inay "AYidayaan Dawlad Qaran oo Falastiin Leedahay".


Waxaa xusid Mudan in Markii Madaxweyne Obama uu ka hadlayay Jaamacadda Cairo University yiri"Jewish Settlement" taasi oo micniheda Fasiraadeed lagu qeexi karo Wada deganaansho Labadda Dhinac wa laba dawladood oo Nabad ku dhisan sida Israel iyo Falastiin.
 
Obama ayaa horay ugu Baaqay Natanyahu inay Muhiim tahay Talaabo horay loo Qado si loo helo Laba Dawladood oo Wada Degan si Nabad ah Magangalyo ah Cadaalad ah.


Balse Benjamin Natanyahu oo xafiiska Qabsaday Dabayaqadi Bishii hore ee March ayaa arrinta Falastiin ku sheegay "Waan ayidaynaa Aasaska Qaranka Labadda Dawladood ee Falastiin iyo Isreal Laakin Isreal way danaynaysaa Qaran cusub oo aa ku dhisnayn wax Talaboyin Military ah ama Dagaal Falastin oo qaran cusub asaasta sida Isreal ama Jewish State.


"Isreal waxay u baahantahay Amaan balse Military waa ka caagantahay dadka Reer Isreal waxaan danaynaa Nabad iyo Heshiis Mustaqbal lagu Gaaro iyo Xalinta Dhibta jirta Jiritaanka falastin waa Jiritanka Isreal" ayaa uu ka sheegay maanta Bal ilan University ee Magaaladda Telabib.
Aqalka cad ee looga arrimiyo wadanka Maraykanka aya soo dhaweeyay Hadalka ka soo Yeeray Natanyahu Raysalwasaraha Yuhuuda afhayen u hadlay Aqalka Cad ayaa yiri"Talabo Muhiim ah oo horay loo qaado waa soo dhawaynta Hadalka Raysalwasare Natanyahu".
 
Isku soo wadda duubo dadka yuhuuda ah ayaa gumaysi ba'an ku haya dadka Muslimiinta ah ee ku sugan cariga barakaysan ee Reer falastiin siyaasadda Bariga dhexe ayaa badi noqota mid mugdi ah.
 
Doorashadi Aqalka cad ee Americanka loo doortay Obama waxay u muuqatay mid horumar ku soo kordhinaysay Siyaasadda maraykanka ee Bariga dhexe ka dib Magacaabistii Ergayga Bariga dhex ee Goerge Mitchell  oo isagu la kulmay Natanyahu iyo Maxamud Cabas abuu maasin balse hadalkani waxaa uu noqonaya mida heshiis dhexe ka keeni kara dadka reer falastiin ee Dhibaatadu Haleshay sanadaha iyo Yuhuuda.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com