shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Biyo Yari iyo Abaar ka Jirta Goboladda Puntland.

(Puntland.  June 14,  2009 Ceegaag Online)

Roobabki guga waxay Ka da'een inta badan Goboladda somalia waxaana ay roobabkani Guga ka da'een dhamaan goboladda Puntland ka koobantahay hadana waxaa soo baxaysa in Roobabkii aanay noqon kuwa kaafiya Nolosha dadka Reer guuraaga ah ee degan Goboladda Puntland waxaana soo baxaysa Qaylo dhaan ka soo baxaysa Masuuliyinta.

 

Tusaale ahaan waxaa Xogwaraysi siiyay Xafiiska Shabakadda wararka ee Ceegaag Puntland Gudoomiyaha Degmadda Xingalool ee Gobolka sanaag Gudoomiyaha Degmadda Xingalool ee gobolka sanaag ayaa yiri"Runtii gobolkani waxaa ka jirta Dhibaato wayn roobabkii guga waa ka da'en balse ma noqon kuwa nagu filnaada dadkii reer guuraaga ahaa ayaa isku soo guuray oo soo wadda degay deegaanka mana jirto cid uu gaar u yahay daaqu waxaa jirta Nafaqo daro roobabka da'ay naguma filna hadaba waxaan baaq iyo qaylo dhaan u diraynaa Maamulka Puntland,Hayadaha samafalka iyo Ururadda Bulshadda,Ganacsatadda in Biyo dhaamis laga bilaabo Deegaankani".

 

Marka laga soo tago Gobolka sanaag waxaa sidoo kale biyo yari iyo kaliil halac ah laga dareemaya Gobolka Karkaar Dhawaantani aya ahayd markii Gudoomiyaha gobolka karkaar yoonis cali faarax uu soo saaray qaylo dhaan uu ku cadaynayo in dhulka uu yahay mid Roobku yaraaday iyadoo roobabkii ugu dambeeyay ka Da'een Gobolka Karkaar Hadaba waxaa Shabakadda warbaahinta ee Ceegaag Online socdaal ku soo martay dhulka kala ah,Dhahar,Dameer,Dangorayo,ilaa Magaaladda Qardho dhamaana Goobaha aan tagnay waxaan ku soo aragay Macluumaad kala duwan Tusaale deegaanka loo yaqaan Dameer waxay ku taala meel xaga Sool kaga aadan Magaaladda Qardho waxaana u u dhawdahay Deegaanka xalin ee gobolka nugaal waxaana degan dad reer guuraa ah waxaana laga dersay xooga Baad iyo biyo ah oo ay isugu soo guureen dad Reer guuraa ah oo ka soo hayaamay Gobolo kala duwan.

 

Deegaanka aan socdaalka ku soo marnay waxaa muuqatay inaan dadku baahi wayn u qabin Biyo la'aanta soo food saartay balse waxaa muuqanaysay in Deegaanadasi ahaayen goobo aad ugu baahan Roobab mar kale ka da'a maadama Goobahasi ahaayen meelo roobku ku yaraaday.

 

Degmadda Dangorayo waxay 80KM kaga aadantahay dhanka Magaaladda Garoowe Qardho waxaana Meeshasi ka jiray Oon maadama degmadu aanay lahayn Ceel biyood dadku ka cabaan biyaha oo si toos ah Matoro ugu rakibanyihiin balse waxaa dadku biyaha ka dhaansanayen Baraago xiliyeed ku xiran Roobka xiliga uu da'ayo kuwaasi oo maran inta badan balse Booyado ay biyo dhaan ku sameeyaan.

 

Waxaan kula kulmay goob ay Biyo ka dhaansanayan Dad reer guuraa Xoolo dhaqato ah Maxamed Faarax (Karkar) Karkar waxaa uu iisheegay inuu ka yimi Dhanka iYaxeed ee deegaanka isagoo sheegay inaan Roobabku ahayn kuwa ku filnaaday Nolosha goobihii xoogaga roobka ah ka da'ayna ay ahaayen kuwa aan ku filnayn dadka Deegaanka Reer guuraga.

 

Isku soo wadda duubo Qaylo dhaamo kala duwan ayaa ay soo saaran Maamulada Goboladda Puntland iyadoo dhawaantan Gobolka sanaag loo diray Guddi Farsamo oo ka socda Golaha xukuumadda puntland oo uu ka mid yahay Maxamed Siciid Nuur dabayl Gudoomiyaha Gobolka Sanaag halkaasi oo wixii ay ku so arkeen uga warbixiyen saxaafadda iyaga oo sheegay inaan Roobab ku filan dadka Reer guuraaga ah ka jirin Deegaanka .

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com