shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Caalamka oo ka hadashay Dilkii Wasiirka Amniga Somalia iyo Khasaaraha Qaraxi shalay oo Kordhay.

(Baladwayne.  June 19,  2009 Ceegaag Online)

Shalay ayay ahayd marki magaaladda ku taala Bartamaha Soomaaliya ee beledweyn lagu dilay Wasiirki amniga iyo Masuuliyin ka tirsanaanjiray Soomaaliya,shacab, Nabadoono waxaana dilkaasi ka hadlay beesha caalamka.

 

Urur goboleedka IGAD, AU, Jaamacadda Carabta, QM, waxay ka hadleen dilka loo gaystay wasiirki amniga Soomaaliya maalintii shalay ahayd sida ay qortay wakaaladda wararka ee Xinhua waxaa dhamaan ururadda aan soo xusnay Cambaareyen dilkii shalay lagu dilay wasiirkii Amniga qaranka iyo Safiirki hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin Farax laqanyo.

 

War qoraal ah oo laga soo saaray  Dilkii shalay ayaa lagu sheegay in Kooxo nabad diid ah oo khalkhal iyo fawdo ka wada Somalia ay gaysteen Dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Cumar xaashi .

 

Warkani ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay Dib u dajin iyadoo Dawladda Soomaaliya la tacaalayso Dhibaatadda Muqdisho kooxaha Fowdada wada waxaa haboon inay u turaan shacabka walaalohood ah ayaa lagu sheegay Warkani qoraalka ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu tilmaamay wax laga xumaado Qaraxaasi lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan  iyo safiirkii hore ee Ethobia u fadhiyay Soomaaliya C/Karin Faarax laqanyo.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu xusay in Qaraxaasi uu wax u dhimay niyadii jaamacada carabtu ay ka qabtay in xaalada Soomaaliya ay soo hagaagto islamarkaana ay fuliyeen dad sida la sheegay aan doonayn in Soomaaliya ay lugeheeda isku taagto  sida lagu qoray mid ka mida Wakaaladaha wararka ee Carabta.

Dhanka kale warar isa soo taraya oo ka soo baxaya Magaaladda Beledweyn ayaa sheegay in Khasaarihi ka dhashay Qaraxii Ismiidaminta ahaa ee lagu dilay Wasiirka shalay Magaaladda Beledweyn uu kordhay Dhimashadda ayaa la sheegay inay sii cagacagaynayso ku dhawaad 45 halka dhawacu marayo ku dhawaad 200 oo qof sida ay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan Gobolka iyadoo dhawaaca badankiisu yaalo Cusbitaalka guud ee Magaaladda Beledweyne halkaasi oo dhawaaca qaar ku geeriyooden.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com