shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barnaamijki Kororso Aqoontaadda (Qaybtii 5aad).

(Qardho.  June 27,  2009 Ceegaag Online)

Waa barnaamijki Todobaadlaha ahaa ee Kororso aqontaadda waxaana todobaadkan ku soo qaadanaynaa Xubinta Maxaad ka Taqaan?.Taariikhdi hore oo isugu jirta Chronology iyo Gumaysigi labadda wadan ee somalia sidii uu ahaa nidaamkooda maamul inagoo ka tixraacayna Todobaadkani oo ah todobaad aad ugu wayn umadda somaliyed meel kasta oo ay joogaan iyadoo ay tahay 26June-1Luulyo asbuucoodi soo saaraha barnaamijku waa C/rashid maxamed.

Maxaad ka Taqaan?.


Somalidu waxay soo noolaayen bari samaadki hore taariikho la iska dhaxlo oo dhaqan galiya Hawlaha la xariira bulshadda waxaase xusid mudan in somalia ay qayb ka ahayd boobki Reer yurub ee lagu qabsanayay qaaradda loo yaqaan Dunida saddexaad ama Africa.

Sanadkii 1875-1876 waxaa somalia qabsaday Masaari gaar ahaan waxay yimaadeen magaaladda Istraatiijiga ah ee loo yaqaan Kismayo waxaana ay ku nagayen muddo kooban sida cilmibaarista loo yaqaan Chronology soo bandhigtay iyadoo sanadkii 1889 ay magaaladda muqdisho ee gobolka banaadir si toos ah u qabsadeen maxmiyadi Fashigi Talyaaniga iyadoo gumaysiga talyaanigu adeegsaday siyaasad nacas ah taasi oo ahayd dulmigi uu ku hayay umadda somaliyed waxaana uu xitaa isku dayay inuu u adeegsado somalida inay la dagaal galaan faashiga Talyaaniga waxaa lagu xasuusta markii ciidamo somalia ah oo farabadan uu u kaxeeyay Dagaalkii uu ku qaaday Itoobiya waxaana uu isticmaalay 120,000 oo askari oo isugu jira Somali iyo Eriterean.

Wixii uu gumaysigu ku hayay umadda somaliyed waxay noqatay Taariikh baal dahab ah gashay markii looga hortagay labadi gumaysi ee Talyaaniga iyo Ingiriiska weeraro looga soo horjeedo waxaa ragii u soo halgamay somalia laga xusi karaa.
Halgankii Axmed Guray ,Halgankii Daraawished,Halganki Xaawo Taako,Halganki SYL.

Waxaa somalia usoo suurtowday inay gasho wakhtigi loo yaqaanay Dhiibaalka kaasi oo ahaa wakhti aad somalidu u niyad furnayen maadaama 10-sano oo xukun gumaysi ah u dhimanyahay wakhtigi u dhexeeyay 1950-1960 waxaa loo yaqaanay DHIIBAAL waxaana somalida ay ku soo biireen nidaamki maamul ee gumaysiga waxana badi degmooyinka iyo goboladda somalia ka talinayay saraakiil somalia ah waxaana somalida markaasi lo sameyay hogaan kaasi oo ahaa Raysal wasaare waxaana noqday  1956 Marxum-C/laahi ciise maxamuud waxaana sanadkii 1960 bishii 26June-1Luulyo somalia Qaadatay Xornimadeedi waxaana midoobay labadi maxmiyadood ee Italian and Britian Protectorate.

Nidaamki Gumaysiga Talyaaniga:-


Gumaysi kasta waxaa uu lahaa nidaam Maamul oo uu ku gumaysto Dalka uu haysto ee africanka ah waxaana iska cad in nidaamka dawliga ah ee gumaysigu ahaa sidan marka laga reebo C/laahi ciise maxamuud oo noqday raysalwasaare jiray wakhtigi loo yaqaanay Dhiibaal.

Nidaamkani waa magaacaabis sarkiil iyo inta sarkaal ee soo qabtay xilka gumaysiga Talyaaniga somalia.



Governor
 3 Aug 1889 - 15 May 1893  Vincenzo Filonardi
Commissioners
1896 - 1897                Vincenzo Filonardi
1897                       Ernesto Dulio
1897 - 25 May 1898         Giorgio Sorrentino
Governor
25 May 1898 - 16 Mar 1905  Emilio Dulio
Commissioners-general
16 Mar 1905 - 1906         Luigi Mercatelli                   (b. 1853 - d. 1922)
1906 - 1907                Giuseppe Salvago Raggi
1907 - 1908                Tommaso Carletti
Governors
1908 - Jul 1910            Tommaso Carletti
Jul 1910 - 1916            Giacomo De Martino                 (b. 1849 - d. 1921)
1916 - 1919                Giovanni Cherina Ferroni
21 Jun 1920 -  8 Dec 1923  Carlo Ricci
 8 Dec 1923 -  1 Jun 1928  Cesare Maria De Vecchi,            (b. 1884 - d. 1959)
                             (from 1925) conte di Val Cismon
 1 Jun 1928 -  1 Jul 1931  Guido Corni                        (b. 1883 - d. 1946)
 1 Jul 1931 -  6 Mar 1935  Maurizio Rava
 6 Mar 1935 - 22 May 1936  Rodolfo Graziani                   (b. 1882 - d. 1955)
22 May 1936 - 24 May 1936  Angelo De Ruben
                             (de facto governor since Jan 1936)
24 May 1936 - 15 Dec 1937  Ruggiero Santini                   (b. 1870 - d. 19..)
15 Dec 1937 - 11 Jun 1940  Francesco Saveno Caroselli
11 Jun 1940 - 31 Dec 1940  Gustavo Pesenti (acting)           (b. 1878 - d. 1960)
31 Dec 1940 -  9 Mar 1941  Carlo De Simone (acting)           (b. 1885 - d. 19..)
Administrators
26 Feb 1941 - 1941         Sir Reginald Hugh Dorman-Smith     (b. 1899 - d. 1977)
1941 - 1943                William Eric Halstead Scuphan      (b. 1893 - d. 1958)
1943 - 1948                Denis Henry Widcham
1948                       Eric Armar Vully de Candole        (b. 1901 - d. 1989)
1948 - 21 Nov 1949         Geoffrey Massey Gamble             (b. 1896 - d. 1970)
21 Nov 1949 - 1953         Giovanni Fornari                   (b. 1903)
1954 - 1957                Enrico Martino                     (b. 1907)
1957 - 24 Jul 1958         Enrico Anzilotti                   (b. 1898 - d. 1983)
24 Jul 1958 -  1 Jul 1960  Mario Di Stefano                   (b. 1900? - d. 1963)

Prime minister
29 Feb 1956 -  1 Jul 1960  Abdullahi Issa Mohamud             (b. 1922)             SYL



Nidaamki Gumaysiga Ingiriiska:-


Nidaamkani waa nidaam uu u isticmaali jiray Gumaysigi Ingiriiska waxaadna mooda inay kala duwanyihiin hanaanka ay u wadda hawlgalaan labadda Dhinac ee  kala duwan sida ku cad Liiskan.

Governor-Pc-Dc-Do-Chief
Provincial commisioner
District  Commissioner
District Office



Ma Ogtahay?.


Xubintii ma ogtahay waa xubin Cilmiyaysan.

1-Ma ogtahay Akhristaw in Unuga ugu dheer jirka bani'aadamka uu yahay unuga xiriiriyay Qaybta ka mida jirta oo loo yaqaan Nervous System waxaana unugasi yahay Cell body waxaana unuga ugu dheer loo yaqaan(Axon).
2-Ma ogtahay Akhristaw in Maadada loo yaqaan Melanin ay ku jirto jirkeena waxaana maadadaasi control ku samaysa Xadiga cadceeda ee ku soo dhacaya jirkeena waxayna soo sarta midab kasta oo jirku yeelanayo kaas oo marka aan eegno naagaha is cadeeya ay jirka ku dilaan chemicalka ay isticmalayan taasi oo aan awood u yeelanin in melanin shaqo gasho.
3-Ma ogtahay Akhristaw in Jabhadi koowaad ee african ahayd taasi oo lagu weeraro Diyaarad ahayd Jabhadi Daraawiishta ee sayid maxamed cabdule xasan waxana la weeraray sanadkii 1920kii.
4-Ma ogtahay Akhristaw in Idaacadi koowaad ee afsomali ku hadasha ee hawadda soo gasha ahayd idaacada Radio Hargaysa sanadkii 1952dii.
5-Ma ogtahay Akhristaw in Madaxweyne kasta oo maraykan ah uu qaato mushahar dhan 200,000 dollar.
6-Ma ogtahay Akhristaw in Labadda magaalo ee Heroshima iyo Negasaki ay yihin labadi magaalo ee lagu dhuftay Bombka kaasi oo la sheegay inuu dhulka la simay labadasi magaalo iyadoo uu ka dhashay cudurka (LEUKAMIE,SLEEPING SICKNES).
7-Ma ogtahay Akhristaw in Figta loo yaqaan Everest oo ah buurta ugu dheer dunida loogu magac daray ninkii ugu horeeyay ee gaaray halkaasi oo ahaa ninka loo yaqaan George Everest isla markaana cabiray buurtaas.
8-Ma ogtahay Akhristaw in bani'aadamku uu indho la'yahay 30-daqiiqadood taasi o ah wakhtiga uu qofku indhaha isku qabqabano.
9-Ma ogtahay Akhristaw in Saxaabiga Cusmaan binu cafaan loo yaqanay "Du nuureyn"oo ah Labadi nuur taasi oo loogu bixiyay isagoo nasiib u helay inuu guursado Labadi gabdhood ee Nabiga (NNKH).
10-Ma ogtahay Akhristaw in Mucaad binu jabal uu yahay saxaabigi ugu cilmiga badnaa Saxaabadda Rasuulka marka laga hadlayo Culuumta Fiqiga,Xalaasha,Xaaraanta taasi oo uu cadeeyay Rasuulka (NNKH).
11-Ma ogtahay Akhristaw in Indhaha bani'aadamka uu ku jiro Enzyme ka loo yaqaano Lysozyme oo baab'iya Xayawanka ili ma aragtayda ah ee gala Indhaha kuwaasi oo ay ka mid yihiin,Fungi,Virus,Bacteria.

12-Ma ogtahay Akhristaw in Ma ogtahay in waddanka Itoobiya la oran jiray waagii hore Abessinia, hayeeshee horaantii dagaalkii labaad ee dunida ay la baxday magaca Itoobiya,mase ogtahay in waddanka Itoobiya ay ku nool yihiin in ku dhow 50% dad muslim ah, in ku dhowna 15% ay diin laawe yihiin ama yihiin dad aaminsan dabeecadda halka 35% ay yihiin dad Christian ah, haseyeeshe diinta officialka waa diinta Christian, afka la isku afgartana ama iskuulada lagu bartana ay tahay afka amxaarada

13-Ma ogtahay Akhristaw in maalintii ugu dhoweyd ee ay Soomaaliya soo ceshan lahayd dhulkeeda Somali Galbeed ee ay dawladda Itoobiya ka haysto ay ahayd  dagaalkii 1977, dagaalkaas oo ahaa midkii ugu qaraaraa isla markaana Itoobiya laga baabi’iyo ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah , nasiib xumo dowladdii Itoobiya ayaa u qaylo dhaansatay dowladihii ay ka mid ahaayeen Cuba, Ruushka, Bariga Yurub iyo waddanka Liibiya halkaasna dhib aad u ballaaran lagu soo gaarsiiyay halyeyadii Soomaaliyeed, magaalooyinkii ay ka soo dhacsadeen cadowgana halyeeyadii Soomaaliyeed nasiib xumase dib u la noqdeen cadowgii Itoobiya, magaalooyinkii ay cadowga ka soo dhacsadeena waxaa ka mid ahaa: Jigjiga, Harar, Dhagaxbuur, Shilaabo,Goday, Qabridahare,Galaadi,Gaashaamo,Qorraxay, Awaare,Qallaafo, iyo tuulooyin  aad u fara badan, Mase ogtahay in gumeystaha Itoobiya uu u bixiyay dhulka Soomaali Galbeed Ogaadeenya isgoo ulajeeday siyaasad ama khiyaano si uu isugu diro qabiilada Soomaaliyeed ee meelahaas wadadeggan oo uu dhulkii la wada lahaa ugu nisbeeyo ama ugu magacdarro hal qabiil si ay qabiilada kale ula dagaalanto qabiilkaas.  

14-Ma ogtahay Akhristaw in dhulka Soomaaliyeed ee ay dawladda Kenya haysato ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo Soomaali ah, halka dad gaaraya ilaa 20 milyan ay ku nool yihiin dhulka ay Itoobiya Soomaaliya ka haysato, dhulka ay Soomaaliya ka haysato Kenya ayaa wuxuu gaaraya 127 km oo isku wareeg ah una dhigma inta ay Itoobiya Soomaaliya ka haysto nuskiis ama barkiis, Soomaalida ku nool dhulka uu gumeysto Kenya ayaa waxay u badan yihiin xoolo dhaqato,caanaha iyo hilibka ugu badan waddanka Kenya soo saaraan.

15-Ma ogtahay Akhristaw in waddanka Jabuuti la oran jiray Franse Somaliland iyadoo gobollada waqooyi la oran jiray Britisha Somaaliland gobollada konfureedna la oran jiray Italian Somali, gumeysigii ayaa sidaas mid kasta qaybtii uu haystay isku nisbeeyay ama isugu magac daray, sannadkii 1967 ayaa waddankii qaybta uu helay in uu gumeysto dhulkaas ay Soomaalidu iska leedahay ama Jabuutida maanta u bixiyay dhulkii Faransiiska ee Canfar iyo Ciise, haseyeeshe markii ay xornimadeeda haleeshay 1977 qaybtaas ka midka ah dhulka Soomaaliyeed ayay la baxeen Jabuuti, Ma ogtahayse akhristow in tirade shacabka reer Jabuuti ay wax yar kor u dhaafeen nus milyan ama shan boqol kun oo ruux,mase ogtahay oo kale in waddanka Soomaaliya iyo Jabuutiba ay ka mid yihiin ama ay ku jiraan ururka Jaamacadda Carabta iyo midowga Afrika.

Murtidda Barnaamijka:-
1-Hal libaax arkaysaa ma godlato.
2-Labba daran kala dooro.

By:C/rashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com