shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barnaamijka Kororso Aqoontaada (Qaybtii 3aad)

(Qardho.  June 09 ,  2009 Ceegaag Online)

By:C/rashid.

 

 

Maxaad Ka Taqaan?.

 

Qaybtaani todobaadkan waxaan ku eegaynaa Tariikhda Somalia Wixii ka horeeyay 2000 ilaa iyo Wakhtigii Military ee Somalia.

 

Oct 21, 1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku daadan" ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.

 

Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen.

 

Jan 23, 1975 - Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.

 

April 9, 1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka.  Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.*]

 

Sept 1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay Jabhadii  ugu horeesay ee taariikhda dalka Soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).

 

Burburkii iyo Halaagi Umadda Soomaaliyeed:-

 

May 27 1988 Jabhadii SNM ayaa qabsatay Burco iyo Hargaysa.

 

Aug 7, 1990 - Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.

 

Jan 27, 1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.

 

Nov 17, 1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.

 

March 3, 1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta.

 

April 24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad Barre oo dalka isga baxay.

 

Sept 19, 1992 - Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid oo ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta.

 

Dec 3, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku.

 

Dec 9, 1992 - Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo celinta".

 

Jan 15, 1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen.

 

May 4, 1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

 

Oct 3, 1993 - Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. Waagii dambe arrintas waxaa laga sameeyey filim la baxay "Black Hawk Down".

 

March 28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo afjaray.

 

Jan 2, 1995 - Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria. [Siyaad Barre wuxuu noola aintii u dhexaysey 1919 ilaa January 2, 1995]

 

Feb 28, 1995 - Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.

 

Aug 1, 1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey. [Caydiid waxa uu noolaa intii u dhexeysey December 15, 1934 ilaa August 1, 1996]

 

1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

 

Ma Ogtahay?.

Xubinta Ma ogtahay waa Xubin ka mida Taxanaha Cilmiga Shabakadda Warbaahinta ee Ceegaag Online Waxaana Xubintani Maskaxdiisa iyo Maankiisa Ka Diyaariyay Wariye Cabdirashid Maxamed Daahir:-

 

1-Ma ogtahay Akhristaw in Dagaalkii ugu Dheera Dunida uu socday 105-Sano uuna u dhexeeyay Wadamadda England iyo France.

 

2- Ma ogtahay Akhristaw in Ninkii Hogaaminayay Ciidamaddi Portugal ee Jabiyay Halgankii axmed guray uu ahaa Ninka lagu Magacaabo Christopher Digamma.

 

3-Ma Ogtahay in Dadka somaliyed ay Hormuud haweenka Halgankooda Ugu horaysay Xaawo Taako.

 

4- Ma ogtahay Akhristaw Sirhayihi Nabiga NNKH lagu Magacaabi Jiray Jacfar binu Yamaama.

 

5-Ma Ogtahay akhristaw in Dagaalki u dhaxeeyay Wadamadda Talyaaniga iyo Itoobiya loo Yaqaanay Odowa isla markaana uu dhacay bishii October sanadkii 1935.

 

6- Ma ogtahay Akhristaw in Malaga Ilaahay u Wakiishay Roobka uu yahay Miikaa’iil Calayhi Salaam.

 

7- Ma ogtahay Akhristaw in 23/1/1975 Magaaladda Muqdisho lagu Toogtay Culumo Soomaaliyeed kuwaasi oo ah Boogta Maanta Umadda Somaliyed Haysata.

 

8- Ma ogtahay Akhristaw in Dekedda Pear Harbour Tahay Dekedi uu Duqaynta u gaystay Wadanka Jarmalka sanadkii 1941

 

9- Ma ogtahay Akhristaw in Laanta Afsomaliga ee BBC la asaasay sanadkii 1957 halka Qaybta ku hadasha Luuqadaha Badan la asaasay 1927.

 

10- Ma ogtahay Akhristaw in Ururka Xamaaz ee Mujahidiinta Reer Falastiin uu asaasay Sheik Axmed Yaasiin oo ahaa Sheikh Caan ka ahaa Wadankaasi Barakaysan ee Yuhuuda Nacaladuhu laahi Haystaan.

 

11- Ma ogtahay Akhristaw in Hogaamiyaha ugu xukunka Dheera Qaaradda Afrika uu yahay Ibrahim Bango Madaxweynaha Geeriyooday 7/6/2009 ee Gaaboon.

 

12-Ma Ogtahay in Ninka lagu Magacaabo Cabdi Kaamil Cawaale uu yahay Halyay wax ka Xoreeyay Deegaanka Godey ee Gobolka  Ismaamulka Somalida ee Itoobiya isla markaana uu Qaaday Heestii.

 

1-NIDAR BAAN HORAY UGALAY NIYADAYDU WAA MEEL CALANKAYGA NUURAW .

 

13- Ma ogtahay Akhristaw in Maraykanka uu ka jiro Laba Xizbi Siyaasadeed oo kala ah Jamhuuri iyo Demoqraadi haatana waxaa Taladda Haya Xizbiga Democracy oo uu hormuud ka yahay BRACK OBAMA.

 

14- Ma ogtahay Akhristaw in June 8, 2007 Madaxweynihi ugu Horeeyay Somalia Halyay Aadan Cabdule Cismaan ayaa ku Geeriyooday Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

 

15- Ma ogtahay Akhristaw in 5-June-2007 uu Markii ugu Horaysay Somalia Tagay Raisalwasaaraha Itoobiya oo Ciidmadiisu Taagerayen Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Malez Zenawi.

 

16- Ma ogtahay Akhristaw in 1976-La asaasay Xizbiga Hantiwadaaga Kacaanka Somaaliyeed.

 

17- Ma ogtahay Akhristaw in 9/April/1978 waxaa Dhicisobay Inqilaab la doonayay in lagu Rido Xukuumaddi Maxamed siyaad Bare waxaana Inqilaabka ka dib la Toogtay 17-Nin.

 

18- Ma ogtahay Akhristaw in Sir Isaaq Newton uu helay Systemkii ahaa NEWTONS FIRST LOW OF MOTION,TWO,THIRD-ahna Culayska Cufasjidadka.

 

19- Ma ogtahay Akhristaw in Cudurka looyaqaan Busbuska uu sababo Viruska Caanka ah ee SMAL BOX,CHECK BOX.

 

20- Ma ogtahay Akhristaw in Dalka ugu dadka badan dunida uu yahay dalka CHINA.

Murtidda Barnaamijka:-

 

1-Ilaahay Eray gaf waa kaa yeersiya Kaaamase Haro

2-Xaglo, Laaban xoolo kuma yimaadeen

3-Warna meel dheer buu ku dhacaa warafna meel dhaw

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com