shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barakaca Dagaaladda Muqdisho iyo UNHCR oo walaac ka Muujisay Dadka Ka cararaya Dagaaladda Magalaadda Muqdisho.

(Muqdisho.  June 06 ,  2009 Ceegaag Online)

Dagaaladda ka soconaya Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa noqday kuwa saamaynta ugu balaaran ku yeesha dadka Rayidka ah ee Deegaanadda Dagaaladu ka dhacayaan waxaana Dadka ay u cararyaan Deeganadda ay Bidaan Badbaado iyo Nabad iyagoo dadka ka soo cararay Dagaaldda ay soo gaareen Degmoyin ku yaala Goboladda Bartamaha Somalia.
 
Waxaa la soo sheegayaa in Qoysaskan cusub ee ka barakacaya Magaalada Muqdisho ay u kala jahaysteen dhinacyada waqooyi iyo koonfur ee Magaalada Muqdisho, waxayna isugu jiraan dad aan weligood qixin iyo kuwo dhawaan qax ka soo laabtay, waxaana wadooyinka lagu arkaayaa caruur iyo Haween fara badan oo saran gaadiid oo ka sabray inay ku sii nagaadaan Magaalada
 
Mid ka mid dadka ka barakacaayay magaalada ayaa S/weyn u sheegay "Waxaan go'aansanay inaan guryaheenna isaga baxno, maadaama aysan muuqan nabad, dagaalladuna ay noqodeen kuwo dhowr jeer iska soo dabo laabtay" wuxuuna sheegay ruuxaasi barakacay inuu ka niyad jabay inuu sii joogo magaalada Muqdisho.
Gaadiid fara badan oo wada Joodariyaal , caruur iyo dad waayeel ah ayaa saakay lagu arkayay iyagoo Muqdisho uga baxaya koonfur iyo waqooyi, iyadoo dadkaas qaarkood ay aad uga cabanayeen qaxa, iyadoo dadka ka barakacay ay haatan kor u dhaafayaa ilaa 50-kun oo ruux oo caruur, Haween iyo waayeel isugu jira.
 
 
Hay’adda Jimciyadda quramaha ka dhaxeysa u qaabilsan Qaxootiga ee Marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa waxaa ay sheegtay in ay buux dhaafiyeen dadka qaxootiga ah ee soo galaya xerada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya taasoo haatan ay sheegtay in ay ku suganyihiin tiradii loogu talagalay.
 
Wareysi ay dhawaan siisay Madaxa Hay’adda UNHCR u qaabilsan xafiiska Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee lagu magacaabo Anne Campbell ayaa waxaa ay sheegtay in dhadhaab ay haatan ku sugan yihiin ilaa 270-kun oo qaxooti Soomaali ah kuwaasi oo ka cararay Dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.
 
Campbell ayaa waxa ay sheegtay boqolkiiba 96% qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab in ay yihiin dad Soomaali ah oo ka cararay dagaalada ka dhacaya gudaha wadanka Soomaaliya iyo kuwa kale oo ka kala yimid Suudaan iyo Ethiopia.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com