shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamadda Americanka oo bilaabay maanta inay ka baxaan Magaalooyinka waaweyn ee Ciraaq.

(Baqdaad.  June 30,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta ka bilawday Magaalooyinka waaweyn ee ciraaq saansaanta bixitaanka ciidamadda Wadanka maraykanka ee ku sugnaa ciraaq mudada gaaraysa 6-sano ka dib dagaalki ay ku rideen sadaam Xuseen waxaana ay tahay maanta Talaada 30-06-2009 waana xiligi ugu dambeeyay ee ay ciidamadda maraykanku ka bixi lahaayen badankoodu magaaloyinka iyago tagaya Banaankooda waxa ayna ku soo beegmaysa xili badi gobolo ka tirsan ciraaq ay ku suganyihin ciidamadda Americanku iyagoo roondo ahaan ka samaynkara magaalooyinka wakhtiga ay doonaan.

Aroortii hore ee Saaka waxaa la arkayay Ciidamada Mareykanka oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ee gaashaamaan oo si tartiib tartiib ah Gudaha Magaalooyinka uga baxaya , balse aan aheyn sidii Shacabka reer Ciraaq filayeen oo aheyd inay arkaan Kumanaanka ciidan ee Magaalooyinka ku sugan inay ka wada baxaan.

Ciidamada Ciraaqiyiinta ayaa si rasmi ah ula Wareegay Amniga Magaalooyinkaas kadib Markii ay ka baxeen Ciidamada Mareykanka Daqiiqadihii hore ee Saaka oo Talaada ah, Nuuri AlMaaliki ayaa Ciidamadiisa ugu baaqay in ay Farxad ka Muujiyaan Munaasibadaas.

Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Magaalooyinka waxay horey u bilaabatey dhowr bilood ka hor sida uu sheegay jananka hogaamiya Re Odierno

Waxa uu sidoo kale intaa ku darey in iskaashiga xagga amniga ee ka dhaxeeya iyada & Dowlada Ciraaq ayna ciidamadooda ka mancineynin inay dib u soo gudaha Magaalooyinka.

Isbuucyadii ugu danbeeyay Magaalooyinka waaweyn ee Dalka ciraaq waxaa hareeyay Qarax xoogan oo dhaliyay kharooyin badan oo Naf iyo Maalba leh.

Re OdiernoOo ka waramayay Xaalada Amaanka ee Ciraaq waxa uu sheegay beryihii ugu danbeeyay inay ka soo reynaysay waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday qaraxyadii ugu danbeeyay ee dhacey oo uu sheegay inay galaafteen nolasha dad badan oo rayid ah sida uu hadalka u dhigey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada ciraaq oo horey qaraxyadii ugu danbeeyay ka Hadley waxa ay sheegeen inay salka ku hayaan arimo siyaasadeed oo loo qaadan karo in bixitaanka ciidamada Mareykanka Ciraaq qeyb ka yahey, si indhaha beesha caalamka loogu tuso Ciraaq inaan sidaa looga tegi Karin.



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com