shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Atto Melez Zenawi oo sheegay inuu Iscasilayo.
 

Addis ababa.  June 23,  2009 Ceegaag Online)


Sida aan ka soo xiganay Waraysi ay la yeelatay Jaridada Financial Times Raysalwasaraha Itoobiya Malez Zenawi waxaa uu waraysigan ku sheegay inay Tahay xiligani xiligii dadka Taladda dalka u helan qabanlahayen.

Malez Zenawi ayaa Taladda dalka Itoobiya Hogaaminayay Muddo gaaraysa 18 sano waxaase muuqata inuu iminka doonayo inu iska casilo taladani Cadaadis ku yimi awgiis.

Waraysigan ay la yeelatay Jariidada Financial Times Raysalwasaraha Itoobiya ayaa waxaa uu ku sheegay in Talada intuu hayay intaasi oo kaliya ay kaga dhantahay taasi oo timi dhawaantan markii lagu xirxiray Magaaladda Adisababa 30 xubnood oo ka tirsan Mucaaradka.

Hadaba Malez ku dhawaaqistiisa inuu xilka ka degayo waxay dhaqan gali kartaa markii ay isku raacan Xizbiga Kacaanka Demoqraadiyada ee Itoobiya (EPRDF) oo ah kuwa haatan haya Talada wadankaasi Itoobiya isago ka hadlaya arrintaasi ayaa uu yiri "Waxaan ku boorinaya Hadalkayga inuu noqdo mid la qaato sida loo qaato hadaladda kale".

Hadalkiisa isaga oo sii wata ayuu yiri ”Waxaan qabaa in aan ka soo kabanayno isfahan guud La’aan, Horumar la sameeyo in aysan ku xirnayn iscasilaadayda iyo in waxa aan waligay u dagaalami jiray aan maata uga tagayo anoo wax taageero ah siinayn ee waan idinla jira wakhtikasta hadii ay dhaboodo in aan xilka ka tago.” ayuu Meles.

Meles oo u ahaan jiray nin si weyn Mucaarad ugu ah Xukumadii Mengistu ahaana hogaamiyihii Jabhada Marxist ee dalka Itoobiya ayaa xukunka dalka Afganbi ku qabsaday 1991, markaas oo uu dalka ka talinayay  Mengistu Haile Mariam.

Meles waxa uu talada Dalkiisa mar labaad qabtay, kadib markii ay xisbigiisu si Codbuuxa ah ka heleen Baarlamaanka dalkaasi oo si weyn ugu taageeray doorashada madaxtinmo ee 2005.

Meles waxaa uu ku booriyay xisbigiisa in aysan ahayn kuwa hub qaata hadii uu xilka isaga dego ee ay la shaqeeyaan Dowlada dhalata si dalka Itoobiya uu u noqdo mid Mustaqbalkiisa sii shaqeyo.

“Waxaan ka hadlayo ma han aniga oo kaliya in aan xukunka hayo lakiin waxaa loo bahan yahay hogaamiyaal I badala, mana ahan in aan hub iyo dagaal halgan lagu soo  galo oo markaas xukun lagu helo ay samaynayso micno buuran ee waa in xalka iyo horumarka dalkeenu noqdaa mid ka fiican kan maata aynu joogno, sidaas waxaa waraysigiisa FT ku soo afjaray Hadalkiisa Ra’isul wasaaraha Itoobiya Atto Melez Zenawi.

Burburkii Somalia iyo Xukunkii Malez Zenawi:


Somalia iyo Itoobiya waxay ahaayeen laba dal oo uu u dhexeeyo Cadaawad sare tan iyo intii uu bilawday Dagaalki iyo Itoobiya iyo Somalia bilawgi sanadihi 1964 waxaana wakhtigi uu itoobiya ka arriminayay Kii  Malez ka horeeyay Kaligi Taliye Mengistu Xayla Maryam waxaa sare u kacay Cadaawadda labadda dal markii ay dhaceen dagaaladi lagu hoobtay ee somalia Guusha ka soo hoysay ee 1977kii kuwaasi oo somalia ay ku gacan saraysay balse somalia markii ay gacan ka heshay Itoobiya dawladi Cuuba iyo Ruushka isla markaana Marxuum Maxamed Siyaad barre ugu baaqay Ruushka inuu ka boxo somalia wakhti kooban taasi oo ruushku cadaawad ugu qaaday somalia uuna soo garab fariistay Dawladi cadawga ahayd ee Itoobiya.

Somalia waxay gacan ka heshay Dawladi maraykanka oo iyadu ku taageertay somalia inay ka soo horjeesato Nidaamki shuuciga aha balse xaaladu si kastaba ha ahaate 1988 ayay ahayd markii heshiis ay kala saxiixden Labadda dawladood ee Itoobiya iyo Somalia.

Waxay Itoobiya kala shaxaado siyaasiyinti somalida taasi oo keentay inay cagaha dhulka ku dhufato dawladi ugu dambaysay somalia ee Militaryga ah ahayd waxaa iyana burburtay xukunkii kaligi taliye Mengistu Xayla Maryam halkaasi oo Malez Zenawi ugu suurto gashay inuu xukunka dalkaasi la wareego Bilawgii 1990-1991 waxana uu markaasi garab ka helayay Qowmiyadi Tigreega ahayd Malez oo ahaa nin somalida aad u yaqaan waxna ku soo bartay somalia waxaa uu isticmaalay Siyaasad ka duwan tii Mengistu isagoo gacansaar la  yeeshay Hogaamiye kooxeedyadi ka dilaacay somalia isla markaana Taageero military siiyay qaar ka mida hogaamiyayaashi somalia taasi oo aan ka xuzi karno Taageeradi military ee uu siiyay C/laahi yuusuf axmed taasi oo ku qabsaday Maamul goboleedka puntland markii wakhtigi ka dhamaaday ee xoogaga Khilaafka ah soo kala dhexgalay Beelaha walaalaha ah ee Dega Goboladda Puntland.

Xukunkii Melez zenawi ee faragalinta somalia waxaa uu so waynaaday markii uu Awood military ku taageeray Dawladi uu hogaaminayay Md:C/laahi yuusuf axmed isagoo wakhtigaasi ciidamadi itoobiya u soo diray Somalia kuwaasi oo difaacayay Dawladi Taagta yareyd ee ay hanadadeen Maxaakiimti Islaamiga ahayd waxaana ciidamadi Itoobiya Gudaha u galeen 29-Dec-2006 Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyagoo wata Dabaabadaha Dagaalka waxaana ay somalia noqotay Goob ay maamulan Isbahaysi Somalia iyo Itoobiya ah waxaana faragalintaasi ay sababtay Qaylo dhaan xoogan iyo Burbur ku yimaada somalia waxaana faragalintii Melez ee somalia ay u egtahay mid u ku fashilmay markii dhaqaalihi ku baxay iyo sanaadi military ee lagu galay somalia u muuqatay mid baaxad waynaata kaaga darane Dawladi  ay taageerayen wax miro dhal ah kama gaarin faragalintii Itoobiya.

Gabagabadi Xukunka Melez iyo siyaasadiisi Guracneyd ee somalia waxay tahay mid ka duwan tii ka horaysay balse Melez waxaa la dhihi karaa siyaasadihi somalia waxay ahayd ku mid ku qotonta Indirect balse waxa meesha taal Muxuu ka tegay Melez Zenawi? Muxeese la Tegay marka la eego siyaasada somalia oo wakhtigi u dambeeyay Itoobiya laga baryay inay somalia soo gasho?.

Faallo Qore:C/rashid Maxamed

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com