shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Alshabaab oo maanta xukun Gacan iyo lug isdhaaf ah lagu jaray Dhalinyaro ka fuliyay Muqdisho.

(Muqdisho.  June 25,  2009 Ceegaag Online)

Ururka Islaamiga ah ee alshabaab ayaa maanta meel fagaare ah ku fuliyay xukun gacan iyo lug goyn ah oo isdhaaf ah waxaana xukunkoda uu yimi ka gadaal markii maalintii Talaadada ee hore ay xukunka ku rideen dhalinyaradan oo ay ku eedeyen Tuuganimo xukunkoda ayaa ay ugu magac dareen"Xadul Xiraabah".
 
Waxaa la sheegay in goob fagaare ah oo ku taala waqooyiga magaaladda muqdisho uu ka dhacay Xukunkan gacan iyo lug goynta ah iyadoo ay xukunkani riday maxkamad ay leeyihiin ururka alshabaab oo ku taala magaalada muqdisho.

 
waxaa la sheegay in xarig lagaga xiray lugaha ka dibna seef afbadan lagaga jaray curcurka lugta iyo gacmaha iyadoo ragaan lagula cararay baabuurta Ambulance ah oo ay leeyin ururka alshabaab waxaana lagu dabiibayaa cusbitaal gaara oo ay leeyihin ururka alshabaab iyadoo sheikh cali maxamed xuseen oo ah wakiilka gobolka banaadir ee alshabaab uu sheegay inay kafaalo qaadayaan nafaqaynta iyo dabiibka ragaani ay naafeeyen.
Ragani magacyadooda ayaa lagu sheegay inay kala yihiin:-
 
1. ALI MOHAMUD GEEDI

2. OSMAIL KALIF ABDULE

3. JEYLANI MOHAMED HAD

4. ABDULKADIR ADOW HIRALE.


Ragani la jray curcurka iyo anqowga hoostisa ayaa iyagoo naafo ah loola cararay cusbitaal waana xukunkii ugu horeeyay ee islami ah oo laga fuliyo muqdisho tan iyo intii ciidamadda itoobiya soo galeen somalia.


 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com