shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Brack Obama oo Socdaal ku Maraya Bariga Dhexe iyo Xiriirka Maraykanka iyo Muslimiinta(Warbixin).

(Riyaad, Sacuudi-Carabiya.   June 03 ,  2009 Ceegaag Online)

Xariirka Maraykanka iyo Dunida Muslimiinta ah ayaan wanaagsanayn Muddo Sanado ah gaar ahaan intii uu ka talinayay Wadankaasi Maraykanka Madaxweyne Bush waxaana xariirka Muslimiinta iyo Maraykanka soo kala dhex galay Mugdi Gaar ahaan Weeraradi Maraykanka ee Wadamadda Ciraaq iyo Afghanistan waxana sidoo kale maraykanku ku tixraacayay Weeraradi Sep-11-2001 taasi oo maraykanka iyo Dunida Muslimiinta ah Shaki ka dhex dhalisay.
 
Madaxweynaha haatan ka arrimiya Aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka Brack obama waxaa Booqasho uga Bilaabatay Wadamadda Islaamka ee ku Yaala Bariga dhexe waxaana Madaxweyne Obama Madaxda Dunida Muslimiinta uu kala Hadlaya Xaaladaha ka Taagan Wadamada Islaamka sida Ciraaq,Afghanistan Yuhuuda iyo Falastiin waxaana ay ku qotontaa Xaalada Amniga iyo Hababka Xalinta Khilaafaadyadda.
Madaxweyne Obama ayaa Diiradda ku saaraya Khudbadiisa Sawirka laga Qabo Xariir dhex mara Maraykanka oo Gabood fallo ka gaystay Inta badan Dunida Muslimka ah iyo Maraykanka.
 
Robert Gibs waa Afhayeenka Madaxweyne Obama waxaana uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Madaxweyne obama isku dayayo Xariir Furfuran oo dib u dhex mara Dunida Islaamka iyo Maraykanka.
 
Obama oo la hadlayay Telvisionka NBC waxaa uu yiri"Waxaan ku Kalsoonahay in Booqashadayda Dunida Muslimka ah aan ku marayo ay Tahay mid wax wayn ka bedeli karta Xariirka Americanka iyo Muslimiinta Caalamka wadamo badan ayaan Booqanayaa Waxan jeclahay Inaan Nolol fiican iyo Nabad ku noolano Dunida Islaamka".
"Uma malaynayo in Waxyaabo aan la Turxaan bixin karin ku jiraan Wadahadaladda aan ku doonayo inaan diiradda ku saaro safaradayda Cairo iyo Riyadh balse waa xalinta Mushkiladaha jira uun".
 
Diplomasiyiinta Americanka ah ayaa sheegay in Guul hogaamiye American ah ay ugu dhawdahay Obama iyo Isfahanka Dunida muslimiinta Waxaana ugu wayn Badbaadinta Xaalada Murugsan ee Yuhuuda iyo Falastiin.
Obama aya Yiri"Intaasi o dhan ka dib ma aha Anfac hal wadahadal balse waxaa jira arrimo Murugsan oo adag in laga gudbo ayna ugu wayntahay Xariirka Reer galbeedka Iyo Islaamka".
 
Booqashadda Afarta berri ah ee Brack obama ku marayo Dunida Islaamka waxaa si aada loogu Qoto dheeraynayaa Xaalada Nuclearka iyo Energyga ee Iiran iyo Xaaladaha aan kor ku soo xusnay.
 
Obama maanta oo arbaca ah waxaa uu jooga Riyadh Xukuumadaha Washington iyo Riyadh waxaa jira Kala duwaanansho xaga Ra'yiga ah ee Qiimaha Saliida Cayriin(Shidaalka) taasi oo ah kharashka Dawladda Maraykanka sanad ahaan uga Qaadato Wadankasi Saudi Arabia waxaana jira Hoos u dhaca iyo Dhaawaca Dhaqaalaha Maraykanka.
Wadahadalka Xukuumadaha Riyadh iyo Washinton waxaa Cadaadis ku ah Saudi Arabia Barnaamijka Wadanka Islaamiga ah ee Iran taasi oo ah arrinta Walaaca ay ka muujiyen Reer Galbeedka sida taasi ama Nuclearku yahay balse waxaa jira Cadaadis kale oo saaran Saudi Carabia oo ah Khilaafka ka taagan Palestine iyo Carqaladaha Daanta Galbeed.
Khamiista waxaa uu Obama u socdaali doona Masar iyo Cairo Halkaasi oo uu ka jeedin doono Khudbaadi uu ugu Talo galay Muslimiinta Caalamka.
Socdaalkii Maanta oo Arbaca ah ee Riyadh-Obama waxaa uu ahaa mid uu kula kulmayay Boqor Cabdalaha wadankaasi Maanta oo arbaca ah waxay tahay mid muujinaysa Sawirka Dunida Islaamka iyo Aragtida Reer Galbeedka.
 
Ka dib Safarka Obama ee Saudi Arabia waxaa ahayd mid looga arrinsanayay Khilaafka Carabta iyo Yuhuuda iyo Barnaamijyadda kale ee Carbeed.
Wakhti Gaaban ka dib safarka Obama ee Riyadh waxaa Telvisionka Al_Jazeera soo Bandhigta Hadal uu soo Diray Hogaamiyaha Al-Qaeda Usama Binladen waxaana Usama Bin laden"AARGOSI IYO HAGARDAAMO GAALO" ayaa Obama u yimi wadamadda Islaamka waxaa uu yiri"Obama waxaa uu wadaa Tabtii Bush waxana uu Siyaasadda Americanku ku Taxaluqdaa diyaarinta Wacyiga iyo Siyaasadda Aqalka Cad".
 


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com