shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ka Soo baxaysa Ciidamo la Sheegay inuu Wato Wasiirka Amniga Dawladda KMG oo ku soo Jihaysnaa Beledweyne.

(G.Hiiraan.   June 02 ,  2009 Ceegaag Online)

Wararka aanu ka helayno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo uu hor socdo Wasiirka Amniga Qaeanka Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ay soo gaareen meel 22-km u jirta Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada uu hogaaminaayo Wasiirka ayaa haatan jooga Isgoyska Kalabeyrka, iyadoo ciidamada uu wado wasiirka ay markii hore ka yimaadeen degmada Feer Feer ee Soonka shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka iyo ciidamada uu la socda ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay deegaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayaan xoogaga ka soo horjeeda ay dib ula wareegto.

Ciidamadaan ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo tababarkoodu uu ku soo dhamaaday gudaha dalka Itoobiya, waxeyna ciidamadaan saacadaha soo socda qorsheynayaan inay bilaabaan howlgaladooda ay ku doonayaan inay ku tagaan goobaha loo calaamadeeyay oo ay ku jirto Magaalada Jowhar oo ay gacanta ku hayaan Xoogagga Al-Shabaab.

Dhanka kale waxaa iyana jira ciidamo kale oo uu horboodaayo Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraalle), iyadoo ciidamadaasina ay doonayaan inay duulaan ku soo qaadaan deegaano ay ka mid yihiin Gobolada Bay iyo Bakool, Jubooyinka iyo Gobolka Gedo.


Faahfaahinadda isa soo taraya ayaa Tibaaxaya in Ciidamadda ay Gudaha Goor dhawayd u galeen magaaladda Beledweyne waxaana ay Ciidamadani u Wato wasiirku ay Kaabiga ku hayaan Degmadda ah Magaalada Istaratiijiga ah ee BELEDWEYNE.


Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku weheliya Xubno ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan iyo waliba Safiirki hore ee Dawladda Itobiya Somalia waxana la sheegay In ciidamadani yihiin kuwa aad u qalabaysan.
 
Ujeedada Safarka wasiirka Aminga ayaa lagu sheegey inay tahay safar uu ku marayo gobolka hiiraan guud ahaan iyadoo qeybo ka mid ah gobolkaasina ay haatan ku sugan yihiin ciidamada Xogaga Alshabaab
Waxaa wefdiga wasiirka Amniga Qaranka DKMG ee Somalia la dejiyay hotelka Madiino bartamaha magaaladaasi waxaana wefdi-ga wasiir halkaasi si weyn ugu soo dhaweyay masuuliyiinta gobolka iyo degmada iyo dadweyne kale oo farabadan.


Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ah golaha wasirada Dowlada Soomaaliya kana soo jeeda gobolka hiiraan ayaa safarkan maanta waxaa uu noqonayaa kii ugu horeyay ee uu ku tago hiiran tan iyo intii loo dhiibay xilka wasiirka Aminiga DKMG ee Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com