shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qabanqaabadda Xuska 1-da Luulyo oo si wayn looga dareemayo Magaaladda Qardho.

(Qardho.  June 30,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa si wayn looga dareemaya magaaladda qardho ee xarunta gobolka karkaar xuska 1da luulyo oo ku aadan maalinimadda berrito ah waxaan xuskani 1da luulyo la xusaa sanadkasta hadaaya iyadoo ay tahay 49sano guuradi ka soo wareegtay markii ay xoriyadooda ka qaateen goboladda Koonfureed iyo bariga somalia gumaysigii Talyaaniga ahaa ee faashiga.

Magaalada qardho ee xarunta gobolka karkaar ayaad waxaad ka dareemaysa dardarta ay ku socoto xuska maalintani wayn waxaana si wayn u wadda qabanqaabadda ururadda haweenka iyo dhalinyaradda ururadda kala ah"Yedo,Youthe education development Organization"YEHO,KSA,GARWONET,GARWADO ayaa wadda qabanqaabadda xuska 1da luulyo oo berii la filayo inay qabtaan xaflad wadajir ah oo ka dhacaysa Hoolka dawladda Hoose ee degmadda qardho.

Xafladani ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah maamulka gobolka iyo kan degmadda qardho iyadoo xuskani berri uu yahay mid ay ku midaysanyihiin qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Maxamuud mahad faarax oo ah Gudoomiyaha ururka Dhalinyaradda ee YEDO ayaa iiga waramay sida uu u socdo hanaanka xafladu"Bismilaahi raxmaani raxim sida muuqata dhamaan ururada dhalinyaradu waxay u diyaar garooben sidii looga qaybgali lahaa xuskani oo ah mid aan aad usoo agaasinay waxaan danaynaynaa inaan ka muqano magaalooyinka gale ururadda haweenka ee kala ah GARWONET,GARWADO ayaa iyaguna nagala qaybgalay xuskani balaaran ee aan berri qabandooni insha'alaah.


1DA-LUULYO:


1dii luuliyo 1960, waa maalintii calansaarka iyo midnimada, 1dii luuliyo 1960 waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeysigii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada   waqooyi, halkaasna ay ku curatey Jamhuuriyadda Soomaaliya.iyo 26 juun oo iyana ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee.

Waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid ahaa maansaddii uu habeenkaas tiriyey ee ay ka mid ahaayeen ereyada ah: “SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” oo uu ula jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta Soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska.iyo talyaaniga waxaanse shaki ku jirin in caalamka dadka ku nool qolo walib ay marba heer soo martey taariikh iyo waayo kala duwan.

Waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii saancaddaalaha ahaa oo buluugley ay dabeyluhu ka lulayeen daaraha dushooda.Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian Somali Land”.

Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.Waa maalintii aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com