shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xuska 1da Luulyo oo laga xusay Somalia (Sawiro).

(Qardho.  July 01,  2009 Ceegaag Online)

Daawo Xaflad 1da Luuliyo ee Muqdisho

 

Munaasabado balaaran oo lagu xusayo 49sano guuradi ka soo wareegay wakhtigi ay xornimadda qaateen goboladda Koonfuureed ee somalia ahna midawgii labadda maxmiyadood ayaa si aada looga xusay deegaanadda Puntland iyo somalia munaasabadani balaaran oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin aad u farabadan oo ka kala socda somalia Aan ku hormarno magaaladda Qardho.
 
Qardho:
 
Magaaladda qardho ee xarunta gobolka karkaar ayaa ka mida meelaha sidawayn looga xusay munaasabadda 1da luulyo oo ah maalin wayn taasi oo wakhtigi ay xornimada qaaten goboladda Koonfureed ee somalia ahnamidawgi labaddda gobol.


Xaflad si aada loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabeen ururka dhalinyaradda ee YEDO ayaa ka dhacday hoolka dowladda hoose ee degmadda qardho taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin aad u farabadan oo ka socota ururadda Bulshadda rayidka ah,Haweenka,Dhalinyaradda maamulka gobolka iyo kan degmadda qardho.
Munaasabadani ka dhacday hoolka shirarka ee dawlada hoose ee degmadda qardho ayaa ahayd mid siwayn loo soo agaasimay waxaan halkaasi ka hadlay masuuliyiin aad u farabadan oo ka mid ahaa dadkiika soo qaybgalay xafladani iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay bandhig faneed iyo buraanburo lagu maamusayo maalintani wayn.
Waxaa ugu horayntii hadalka furay Maxamuud mahad faarax oo ah Gudoomiyaha Ururka Dhalinyaradda ee Yedo isagoo ku dheeraday taariikhda loo galay maalinatani wayn isla markaasna xusay sida ay qiimaha iyo qaayahay u leedahay maalintani balaaran isagoo tibaaxay inay xafladani soo agaasimeen ururka Horumarinta waxbarashadda dhalinyaradda ee YEDO taasi oo buu yiri looga gol leeyahay dhiiri galin isagoo ugu baaqay dhalinyaradda somaaliyeed ee qoriga sita inay iska dhigaan oo ay qalinka qaataan.


Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay Sahra siciid jaqanaf oo ah isug duwaha wasaaradda haweenka ee gobolka karkaar iyadoo ka sheekaysay doorka ay hooyooyinku ku leeyihiin xornmadda umadda soomaliyeed iyadoo tusaale usoo qaadatay XAAWO TAAKO isla markaana sheegtay in hooyooyinku ay lafdhabar u yihiin bulshadda ayna yihiin qiimo wayn oo door ka qaata horumarinta iyo nabadda.


sidoo kale xafladani lagu maamusayay ayaa waxaa soo gabagebeyay Gudoomiyaha degmadda qardho Cismaan buux cali oo isagu xusay ahmiyadda ay leedahay maalintani isagoo ku dheeraaday wakhtigii hore ee sooyaalka umadda somaliyed iyo sida maanta la yahay isla markaana sheegay inay tahay wax farqi wayn u dhexeeyo gudoomiyaha degmada qardho Cismaan buux cali waxaa uu sheegay in maalintani tahay maalin si wayn ugu wayn niyada qof kasta oo waxgarad somali ah.


Gudoomiyaha degmadda qardho cismaan buux cali aya sheegay in dagaaladda laga wado koonfurta somalia ay yihiin kuwa ana micno iyo qaayo toona ku dhisnayn oo lagu helayn kursi kuwaasi oo buu sheegay xambaarsan caadifad waxaana uu sheegay in dadka la barakicinayo laga daayo dhibaatadda isagoo ugu dambayntii baaq u diray dhalinyaradda ku dhaqan dawlad goboleedka puntland iyo somalia waxaana uu sheegay inay ka shaqeeyan wanaaga oo ay raacdana dantooda taasi oo ah buu yiri dariiq wanaagsan waxaa uu xusay gudoomiyaha degmadda qardho in dadka somalida ah ee reer qardhod loo baahanyahay inay wanaaga iyi horumarka ka shaqeeeyan.
 
Garowe:-
 
Tan iyo maalintii shalay ayaa waxaa ka socdey diyaar garowgii ugu cuslaa, ee loo dhigo xafladda 1-da Luuliyo, Xalay ayaa waxaa lagu qabtey xaflad heer sare ah oo ay ka soo qaybgaleen Xukuumadda Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha Xilka Madaxweynaha Gen.Cabdisamad Cali Shire, Xildhaabanada Baarlamaanka, Ganacsatada Gobolka, Culimaa’udiinka, Ururada Haweenka, Ardeyda, Aqoonyahanka, Saxaafadda iyo Faaaniinta Puntland.
 
Saqdii dhexe markey ahayd ayaa waxaa la surey calankii buluugnaa baratamaha Madaxtooyada Puntland waxaana halkaas gaadakacayaar ku sameeyay ciidanka Bambayda ee Puntland.
 
Maanta ayaa xafladii abid ugu balaarneyd ee loo dhigo 1-da Luuliyo ay ka dhacdey Caasimadda Puntland, Ciidanka Daraawiishta ayaa gaado kacayaar ku maray bartamaha Magaalada, kuwaan oo raxan raxan u socdey codka iyo saantana isla helaayey, waxayna soo xasuusiyeen dadkii madasha daawanaayey ciidamadii Soomaaliya ee Sida Kobraha u boodi jirey.
 
Muqdisho:-


 
Magaaladda caasimada ah ee muqdisho oo ah goob ay ragaadiyen dagaalo siyaasad iyo qabiil ku salaysan ayaa maanta iyana lagu qabtay Xuska 1da luulyo waxaana lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir ee muqdisho waxaa ka soo qaybgalay madax kala duwan sida xildhibano baarlamaanka ka tirsan,culumo,Hobolada waaberi,Masuuliyin kaleeto waxaa ka hadlay Gen:C/di qaybdiid oo ah talyaha ciidanka Booliiska somaliyed isagoosheegay inay tahay in maalintani la xuso isagoo sheegay inay jiraan kooxo kale oo iyagu wata calamo dad kale loogu adeegayo.


Isagoo isna ku soo dhaweeyay Yuusuf Indhacade oo uu ku sheegay inuu yahay Wasiiru dawlaha Gaashaandiga Dawladda Somalia isla markaana sheegay inaanay dambi ahayn xuska maalintani.


Isku soo wada duubo munaasabado kaleto ayaa dhacay qaybo ka mida dalka somalia oo ay ka mid tahay Galguduud iyadoo xaflado kala duwan lagu qabtay Guriceel iyo dhuusamareeb oo ay soo agaasimen Ahlu sunah waljameeca.
 

Daawo Sawirada


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com