shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuumada Ka arimisa Bajiin oo xasuuq ba'an ku haysa dadka Islaamka ah ee ku dhaqan gobolka Sangiang.

(Gobolka Islaamka ee China.  July 07,  2009 Ceegaag Online)

Dowlada Shiinaha ayaa shaacisay in Maanta 150 qof ku dhinteen 816 kalena ku dhaawacmeen rabshado ka dhacey Gobolka Sangiang oo ah Gobol dadka ku nool intiisa badan yihiin Muslimiin, sidoo kalena waxaa jira Boqolaal kale oo Ciidanka Bileysku qab-qabteen.
 
Dowlada  Shiinaha ayaa rabshadahan ku tilmaamtey mid dibada laga soo abaabuley oo Ururka Uighurs dabada ka riixayo balse xubno ururkaas u Hadley oo dalka dibadiisa ku nool ayaa eedeyntaa gaashanka u daruurey kuna tilmaamey arin fool xun oo cadowtinimo ku dheehan tahey.
 
Ilo wareedyo Dowlada ku dhow ayaa horey u shaaciyay in rabshadaha 4 qof ku dhinteen halka 20 kalena dhaawacmeen balse walaalada wararka ee Xinhua tabisay tiro tobanaan jeer arintaa ka badan.
 
Kumanaan dadweyne ah ayaa wadooyinka Magaalooyinka waaweyne isugu soo baxey halka ciidankuna arintaa uga jawaabey iska hor’imaad dhaliyay khasaare badan.
Dibad baxayaasha ayaa dab qabadsiiyay gaadiid dhowr sidoo kale ciidanka kale hortegay toorayo & ulo.
 
Gobolka Sangiang waxa uu dhacaa dhanka Galbeed ee Dalka China waxaana 21 Milyan oo qof oo 11 milyan ka mid ah yihiin Muslimiin, Gobolka waxaa lagu tiriyaa Gobolada Dalka ugu weyn sidoo kalena leh Maamul kan dowlada ka madax banaan.
 
Gobolku horey dalka China uga tirsaneyn basle waxaa ku darey Ruushka.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com