shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barnaamij ku saabsan Xakamaynta Tahriibta oo lagu Qabtay Garowe.

(Garoowe.  July 21,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta lagu qabtay Magaaladd Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland kulan balaaran oo la xiriiray Barnaamijka Xakamaynta iyo Wacyigalinta Tahriibta waxaana kulankani soo agaasimay Ha'ada Maxaliga ah ee TAKULO waxaana ka soo qeyblay masuuliyiin aad u farabadan oo ka socday Maamul goboleedka puntland kuwaasi oo matalayay wasaaradaha Puntland.
 
Kulani ayaa waxaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayado ka turjumaya Tahriibta iyo dhibaatadda ay leedahay iyadoo dhalinyaradda lagu boorinayay inaanay dhulkooda hooyo dayicin oo aanay ka cararin waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ka mid aha wasiir ku xigeenka Shaqadda iyo shaqaalaha Puntland isagoo tibaaxay in maanta dhulka somalia inta colaadu ka jirto ay dhibaato ka jirto taasi oo dhalinta ku kalifaysa inay dhulkoda ka haajiraan.
 
Kulankani ayaa sido kale goobjoog ka ahaa qaar kamida dadka danyar ah kuwasi oo iyagu ka soo barakacay koonfurta somalia waxaana dhamaan dadkii xafladaasi ka soo qeybgalay ku booriyeen dhalinta barbaaraysa ee ku hamiyay tahriibta inay joojiyeen oo ay kala kulmi karan Khasaare Nafeed oo aad u baaxad weyn waxaana munaasabadda aan ka marnayn murti iyo heeso ay soo bandhigayeen fanaaniin reer puntland ah taasi oo la xiriirtay wacyigelinta ka hortaga tahriibta .
 
Wacyigalintani la xirirta xakameynta Tahriibta ayaa lafilayaa in lagu qabto dhamaan deegaanadda Puntland iyadoo ay tahay doorka ay NGO yadda iyo ha'adaha aan dawliga ahayn ka qaataan wacyigelinta Tahriibta.
 
Isku soo wada duubo tahriibta ayaa sanadihi ugu dambeeyay waxaa u badnaa dhalinyaradda gabdhaha iyo wiilashadda somaliyeed ee dalka ka cararaya waxaana ay aakhirutaanka kaliftaa khasaare nafeed iyadoo qaarkood ay ku xirxiranyihin Xabsiyo aan laga warheyn.



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com