shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xafladdii dabbaaldegga Xuska 1-da  Luuliyo oo lagu qabtay Rundlle Park ee Magaalada Edmonton ee gobolka Alberta , Canada.

(Edmonton.  July 07,  2009 Ceegaag Online)

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen martisharaf farabadan oo ay ka mid ahaayeen Mayor-ka Magaalada Edmonton Stephen Mandel, Federal MPs Laurie Hawn iyo Tim Uppal, Counsellors Sohial iyo Gibson,  iyo dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton ee dalka Kanada ayaa lagu qabtay Rundlle Park.

Xafladdaas oo dadwaynihii ka soo qayb galay ay ka muuqanaysay wajiyadooda farxad iyo qiiro waddaninimo oo ay u hayaan maalintaas ku wayn ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Waxaa xafladdaas khudbado kala duwan ka jeediyay odayaal, aqoonyahanno, Gudoomiyaha Jaalliyada Ottawa Canadian-Somali Congress Ahmed Hussein,  madaxda ururada Jaalliyadaha ee Edmonton Bashir (Jamaal)  Xaaji Cali  (SCERDO), Mohamed Cakood (ASCC) iyo  Abdinur Xaashi (ASAAS).

Sidoo kale waxa xaflada ka hadlay Duqa Magaalada Edmonton Stephen Mandel, Xildhibaanada Laurie Hawn iyo Tim Uppal  iyagoo dadweynihii ka qeybgalay xaflada aad ugu mahadceliyay dabaaldaga Xuska 1-da July ee wadamada Canada iyo Somalia.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

 


 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com