shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaaladda Dhalinyaro Soomaliyeed oo ku jira Xabsiyadda Dalka Liibiya iyo Qaar ku dhintay Badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya.

(Tiripoli. Liibiya,  July 18,  2009 Ceegaag Online)

Beryihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxayay Qaylo dhaanta ka soo yeeraysay Waalidiinta dhalay Dhalinyaro soomaliyeed oo u talaabay Waqooyiga africa iyagoo qaarkood ka tagay Koonfurta,Puntland,Somaliland waxaana dhalinyaradani Gawaari kaga Gudbeen Xuduuda ay wadaagaan Itoobiya iyo Somalia iyagoo usii gudbay Ugandha,Sudan, iyagoo xarun ka dhigtay inay ku nastaan oo ka tahriibaan Wadanka ku yaala Waqooyiga africa ee Liibiya waxaana dhalinyaradani Qaarkood rafaad ku sii maraan Jidka ay u marayaan Somalia iyo Liibiya iyadoo Qaarkood lagu Qabsado Xududa Liibiya iyo Sudan.

 

Waxaana dhalinyaradani laga furtaa wixii ay agab sitaan iyadoo ay taasi u dheertay waxaa lagu Khasbayaa inay la soo hadlaan waalidiintod si lacag ay u siiyaan Ragani burcadi ah ee haysta wiilashadooda waxaan lacagtaasi gaaraysaa ilamaa $500 iyadoo ay waalidiintu isku dhiirigaliyaan inay wiilashoodu mar uu Europe tagaan si ay u soo bilaan waxaa marag ma doonto ah in walidiin badan ay wiilashooda u ururiyaan Lacago si ay ugu ambabaxaan nolosha rafaadka iyo silica leh ee ay ugu tahriibayaan Liibiya si ay Talyaaniga ugu gudbaan iyago donaya inay iska dhiibaan wadamo ay ka  mid tahay Holland.

 

Xog ururin aan sameeyay ayaan ku ogaaday in waalidiinta wax magaradka ah ay ka dambeeyaan Dhiiri galinta Barbaarta yaryar ee waxqabadka loga fadhiyay in Qaar badu Harqisay isla markaana ay qaar ku xiranyihiin Xabsiyo wadamadda Shisheeye taasi oo ay kentay isku dayashadda Dhalinyaradda waxaana dhalinta yaryari boorsooyinkooda u xirxirteen inay u ambabaxaan dhankaa iyo Waqooyiga africa si ay ugu sii talabaan wadanaka Liibiya iyagoo donaya inay ka helaan wado ay ugu talabaan Wadamadda Yurub Dad tiradooda ka badantahay 3000 oo dhalinyaro somali ah ayaa iyagu u ambabaxay dhankaa iyo liibiya dhalinyaraddani waxay iyagu ku hamiyayaan inay galaan wadamadda reer yurub rafaadka ay wadada kala kulmaan waxaa uu sii dheer xabsiyo lacago lagaga qaado  oo liibiya ku yaala waxaana waalidiinta dhalay dhalinyaradani ay ku dhiiradaan inay kharash iyo deyn u galaan sidii ay u sii deyn lahaayeen Ubadkooda dadka cararaya waxay ka tagayaan dhul nabad ah sida Puntland iyo somaliland taasna waxaay tilmaameysaa inay kalifi karto Shaqo la’aan iyo dhiirigalinta damaca waalan ee somalida oo ah inay lacago ka helaan wadamadda Yurub iyo America si ay guryo iyo gawaari uga gataan.

 

 

Soomaalidda ku jirta Xabsiyadda Liibiya:-

 

In ka badan 300 oo dhalinyaro somali ah ayaa ku jira Xabsiyadda wadanka Liibiya qaarna waxaa lagu haystaa Saxaraha ugu weyn Africa ee kala qeybiya Sudan iyo Liibiya qaar biyo la’aan iyo Gaajo ayay ugu dhinten saxaraha Qaarna Badda madaw ee Mediterenianka ayay ku Qaraxmeen waxaana ay  ka qaataan lacago dadka hayta xabsiyadda iyadoo la dhoho Labbo sano oo fursad Jaanis ah ha la idin siiyo oo aad ku baxaysaan waxaan qaarkood waalidiinta dhalay ku biilaan wadankaasi si ay u daydaydaan Dooni ay u raacaan Europe iyagoo ka galay Koonfurta iyo Talyaaniga.
 
Waxaa jira Dhalinyaro soomaaliyeed oo arday ah oo wax ka baratay wadamadda Sudan iyo Masar inay wali ku xanibanyihiin Xabsiyo ku yaalla wadankaasi liibiya iyagoo eeday waxbarashadi waalidkood u dirsaday dhibkaasina waa midka umadda somaliyed usii kordhiyay Burburka iyo Foodada waxaana ay noqotay wax walwal weyn ku abuurtay dadka soomaliyeed ee iyagu raadinayay Rajadda ah inay mar helaan Dawladda Cadaalad ah halkeese somali u socotaa Dhalinyaradu waa jiilki soo korayay waxaase ilaah ka baryaynaa inuu u gargaaro umadda somaliyed ee mooryaanta ilaahay u gacangashay!.

 


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com