shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaalada Nololeed ee dadka ka cararay Colaada ka taagan Muqdisho

(Muqdisho.  July 20,  2009 Ceegaag Online)

Soomaaliya ayaa noqotay goob quus ah inay nabad waarta ka dhalato ka dib markii ay xoogaysatay labba kacleynta calooshod u shaqeystayaalka Soomaalida ah waxaana colaadu noqotay mid gaamurtay oo lugo fidsatay waxaana colaada ka taagan magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya noqotay mid ay ka barakacaan ku dhawaad 1 Million oo Soomaali reer Muqdisho ah kuwaasi oo qaarkod ku halaagmeen rasaasta la is weydaarsanyo halka qaarna ay madaafiic ku habsadeen.
 
Barakacayaasha ka cararay dagaaladu waxay gaareen gobolo badan oo dalka ka mid ah sida Goboladda Bartamaha Soomaaliya, Puntland, Somaliland waxaana dadkaasi aanay ku koobnayn rayid xitaa Abwaanadi, Macalimiintii, Culumadi, Saxafiyiinti ayaa ka cararay colaada hooga ah ah ee ka socota Muqdisho.
 
Dadka gaaray Goboladani si ay gabaad u helaan waxaa la soo gudboonaatay xaalad nololxumo taasi oo ay kaliftay in ha'adaha bani aadanimo ay gargaar deeqo biyood iyo raashin ah la soo gaaraan waxaan dadkaani ay tahay noloshoodu mid aad u silic ah marka laga reebo qeybo ka mida dadkasi oo iyagu la soo gaarsiiyay xooga mucaawino ah.
 
Warbixinta Ha'adaha Gargaarka.
 
Toddobaadka dhexdiisa, UNFPA iyo la-hawlgalayaal degaanka ka socda ayaa xirmooyin caafimaad u qaybiyey 1,000 haween barokacay ah oo ku nool afar degsiimo oo ku yaalla waddada Afgooye. Xirmo caafimaad waxa ay ka kooban tahay saabuun, shukumaan/tuwaal, oomo iyo caafi-dhowr, iyo waxyaabo kale.
 
ACF ayaa aqbashey 135 carruur ay hayso nafaqo-xumo oo ka mid ahaa 336 carruur ah oo Muqdisho lagu baarey labadii toddobaad ee la soo dhaafey, halka 823 carruur kale ah lagu daaweynayo Barnaamijyada Quudin ku daweynta Bukaan-socodka iyo Barnjaamijyada Quudin Ku Daweynta Bukaan-jiifka ee Muqdisho. Magaalada Waajid ee gobolka Bakool, 90 carruur ay hayso nafaqo-xumo ba’an oo ka mid ahaa 203 la baarey ayaa iyagana la aqbaley, halka 654 kale oo carruur ah lagu daweeyey sagaalka Barnaamij ee Daaweynta Bukaan-socodka iyo kuwa Daaweynta Bukaanjiifka ee gobolka.
 
Somaliland, ayaa WFP iyo la-hawgalayaasheeda ay 537 metrik ton oo cunto ah u qaybiyeen 59,305 ka faa’iideysteyaal oo ku nool degmooyinka Hargeysa, Laascaanood, Caynabo iyo Berbera. Puntland, ayaa 7,182 ka faa’iideysteyaal ku heleen 92 metrik ton oo badeecooyin cuntooyin kala duwan oo hoos imanayey barnaamijka cuntotababar- ku-beddeleshada ee magaalada Qardho, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 100 qof oo la nool HIV/AIDS oo heley 10 metrik ton. Ilaa 373 bukaannada qaaxada ah ayaa heley 38 metrik ton oo cunto hoos imaneysey barnaamijka.
 
quudinta hay’adaha ee magaalada Boosaaso. Gobollada Bakool, Baay, Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud ee Koonfurta/Bartamaha Soomaaliya, ayaa 210,630 qof ay ku heleen badeecooyin cunto ah, halka barnaamijyo quudin dheeri ah iyana laga fuliyey gobolka Mudug. Gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, ayaa WFP iyo lahawlgalayaasheeda ay 331 metrik ton oo badeecooyin cunto ah u qaybiyeen 3,011 ka faa’iideystayaal oo hoos imaanayey barnaamijka quudinta dheeriga ah taas oo ahayd raashinka shakhsiga iyo kan qoyska.
 
12kii Luulyo, daladda haweenka ee WAWA, ayaa agabka aan cuntada ahayn u qaybisey 150 haween ah oo laba toddobaad ka hor uu aafeeyey dab ka kacay degsiimada Tawakal ee Boosaaso, Puntland. UNHCR ayaa Agabka Aan Cuntada Ahayn u qaybisey 60 qoys oo uu dab kale 8dii Luulyo ku saameeyey degsiimada Inji iyo 25 qoys oo ka socdey degsiimada Tawakal ee Boosaaso.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com