shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warbixintii xafiiska Gargaarka bani'aadanimo ee Qaramadda Midoobay.

(Soomaaliya.  July 02,  2009 Ceegaag Online)


 
Iyadoo Soomaaliya ay marayso meeshi ugu xumayd xaga dhibaatooyinka la xariira bani'aadanimo isla markaana dhibaato ku ah dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan waxaana ay tahay mid aad u liidata xaaladooda nololed hadaba waxaa warbixin ka soo saaray xaalada bani'aadanimo ee somalia xafiiska gargaarka bani'aadanimo ee qaramadda midoobay.
 
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in ay Kor u sii kaceen Tiradda Dadka ka Barakacay Caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya, waxayna gaarayaan 170 kun, laga soo bilaabo 7 Bishii la soo dhaafay ee June illaa laga soo gaaro Galabnimaddii Talaadada.


Afahayeenad u hadashay Xafiiskaasi oo lagu magacaabo Elizabeth Beers ayaa sheegtay in ay sidoo kale Wal-wal ka qabaan inay Muwaadiniinta Soomaalida ay si gaar ah u soo waajahaan Abaaraha ka jira Goboladda Dhexe ee Soomaaliya kuwaas oo si saa’id ah ugu sii badanaya Waqooyiga iyo W/galbeed ee Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Somaliland oo la sheegay in ay Saameeyeen Hal milyan iyo Kun Muwaadin.
 
Afahayeenad ayaa intaa ku dartay Dalagii Beeraha iyo Kheyraadkii Xayawaanka waxa soo gaaray Dhibaato dadkiina waxaa soo gaaray Dhibaato gaar ahaan Xoola dhaqatadii.
 
"Yaboohii dhaqaale ee soomaaliya loogu deeqay wuxuu ahaa 933 Malyuun oo Doolarka Maraykanka ah lagamana hayo waxaan ahayn 43 Milyan, 9 Milyan oo loo qorsheeyay Arimaha Beeraha wali lama helin, sidaa darteen waxaan ku Baaqeynaa in la soo gudbiyo Deeq dheeri ah oo looga qeyb qaadanayo Taageeradda Shacabka Soomaaliyeed" waxay ugu yeertay ayay tiri Afahayeenad Xafiiska Q.M ugu Qaabilsan Isku Dubu ridka Arimaha Bani-aadamnimadda
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com