shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka UNESCO iyo maamulka Somaliland oo isku af gartay dib u eegida Manhajka dugsiyada Hoose Dhexe!

(Hargaysa.  July 17,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee S/land Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne) oo  xadhiga ka jaraya qayb cusub oo lagu kordhiyay Dugsiga Cali Xuseen oo ka mida Dugsiyada Hoose Dhexe ee Gobalka Togdheer.

Shir ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socotay Haayada UNESCO iyo maamulka lamagac baxay Somaliland laguna lafo gurayay nidaamka waxbarasho ee ka dhisan Somaliland ayaa ka dhacay Hodheelka degenaashaha ee Mansuur.

Kulankan oo ay iskusoo dubo riday Haayada UNESCO  madexeeda  Hargeysa  Samsam Cali Warsame ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Tacliinta iyo Aqoonyahano lagu tuhmayo inay khibrad u leeyihiin arimaha xaga waxbarashada oo madani ah.

Ilaa hada Tuhun wayn ayaa ku jira qorshaha uu hor boodayo Agaasimaha Guud ee waxbarashada Maamulka Somaliland  Cali Cabdi Odowaa oo lafilayo inuu isgu hormood ka noqdo is waafajinta waxyaabaha u baahan in laga saaro ama lagu daro manhajkan iyada oo Haayada UNESCO aysan marnaba laga filayn inay ogolaato waxayaabaha hoos u dhigaya Sumcadeeda Bulshada Soomaaliwayn dhexdeda.

Madaxa manaahijta Wasaaradda Waxbarashada ee maamulka Somaliland Cabdillaahi Yaasiin Faarax ayaa goobta ka sheegay inaysan Buugaagtu ku qornayn Luqada gobolada waqooyi isaga oo dhaliil ka dhigay in buugaagtu ku qoran yihiin luqada dhex-yaalka ah ee lagaga hadlo gobolada dhexe ee Wadanka isaga oo yidhi "dib-u-eegistan buuggaagta lagu sameeyey tahay wax aad loogu farxo, isla markaana wixii laga saarayo iyo wixii lagu kordhinayaba la soo calaamadiyey.

Arinta manhajka ee Maamulka Somaliland ayaa lafilayaa inuu gobolada maamulka Somaliland u horseedo midnimo, isku kalsoonaan xaga shacabka ah  ama u tukho tukheeyo in maamulku isugu biyo shubto ISAAQLAND.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com