shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliska ciidanka birmadka Puntland oo ka warbixiyay xaaladaha Amaanka Puntland.

(Garoowe.  July 14,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maalmihi ugu dambeeyay socdaal ku joogay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka karkaar Talyaha ciidanka Birmadka ee Dawladda Puntland G/dhexe C/risaaq maxamuud(Gantaal) waxaana maanta waraysi la yeelatay shabakadda warbaahinta ee ceegaag Online G/DH c/risaaq Gantaal ayaa ugu horayntii waxaan wax ka weydiinay sababaha uu u jooga magaaladda qardho"Waxaan u joogna magaaladda arrimaha nabadgelyadda gaar ahaan sugida amaanka waxaad wada ogsoontihiin inaan qabanay shir balaaran oo looga hadlayo amaanka oo ay ka soo qeybgaleen nabadoono aad u farabadan gaar ahaan waxaa shirkaasi looga hadlayay arrimaha la xiriira dhalinyaro hubaysan oo Isbaaroyin u dhigta Gawaarida QAADKA sida sidoo kale waxaan wax ka qabanay Dardargelinta canshuuraha waxaana shaqadda ka wadnay xarunta gobolka karkaar ee degmadda Qardho muddo 19 casho ah ayaan hawlaha amaan sugida wadnay maxaabiis badan oo kuwa wadooyinka istaaga ah ayaan gacanta ku soo dhignay kuwaasi oo wadada geli jiray qaarna qalalaaso wadeen maxaabiista aan iminka gudbinayna waxay maraysaa tiro 23 ah hadana waxaan filaynaa dadka liiska nogu qornaa ee awalna naloo soo gudbiyay aan wax ka qabano"ayuu yiri G/dhexe C/risaaq Gantaal oo u waramayay shabakadda Ceegaag Online.
 
Waxaan sidoo kale wax ka weydiinay bal sida ay u maareeyen Qaadida Isbaarooyinka qaadka loo dhigto oo Qardho ku caanbaxday"Waxaan ku guulaysanay inaan qabano maxaabiista aan soo sheegnay hawlahayaga waxaan ku wadnaa dardar waxaa magaaladda jooga waa ciidamadi loo yaqaanay(BOL-BIR) dhibaataduna waa qaadka Dadkii lugta ku lahaana qaar waa carareen oo waxaan ka soo qabanay dhulalka miyiga ah qaarna waxaan ka qabanay Magaaladda Dhexdeeda hadda waxaan u malaynayaa dadku waa ka warhayaan hawlgaladda aan fulino Ciidamo waa joogan micnaha laakiin ragaasi waxay ka faa'iidaysanjireen wakhtiyadda cidlada ay tahay hadase ciidamo badan oo xoojin ah ayaa noo jooga oo ka adag wax kasta"ayaa uu kaga jawabaay G/dhexe C/risaaq Gantaal.
 
Sidoo kale su'aalaha aan weydiinay Talyaha ciidanka Ciidamo gadood ku sameeyay Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug halkaasi oo ay hadda joogaan wafdi heer sare ah oo ka socda Puntland "Runtii wax gadooda ma jiraan anaga laba Three-F oo wiilal haystaan waxba uma joojinayno gaalkacyo waad ogtihiin waxa weeye gaalkacyo ciidamo badan baa jooga oo ciidamadi loo yaqaanay daraawiishta ahaa oo fadhiyo kala duwan fadhiya iyo kuwa dawladi hore ee c/laahi yuusuf ka tirsan gaalkacyo gadiidka gaashan iyo ciidamadda Qalabaysan ee puntland gaar ahaa ciidamadda daraawiishta ayaa xarun weyn ku leh waxaa ay magaaladu gaalkacyo tahay goob furin ah 100 Tikniko ah ayaan geynay kaliya hada waxaan wadnaa dhismaha hanaanka ciidamadda ee gaalkacyo oo aan isku jihaynay gaakacyona lama sugi karo amnigeeda maadama ay deganyihiin dad kala isir ah ana puntland qeybtayadda waan sugayna amaankeeda hawshaasna waan ku najaxnaa"ayaa uu kaga jawaabay talyuhu.
 
Ugu dambeytii Talyaha ciidamadda Birmadka puntland oo wareysi siinaya shabakadda wararka ee Ceegaag Online waxaa uu sheegay in ciidamadda birmadku yihiin kuwa ka qeybqaata Gurmadka degdega ah oo ay meelkasta ka joogan goobaha amnigooda khalkhal galo isagoo tibaaxay inay hawshoodu tahay wax ka qabashadda amaanka iyago kaabaya ciidamadda Booliiska waxaana loogu yeera BOL-BIR.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com