shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaarkamida Jaaliyada SSC ee reer Boston oo baaq tageero ah u diraya shirka beesha ee ka dhacaya Kiiniya

(Boston.  July 22,  2009 Ceegaag Online)

Anagoo ah jaaliyada ku nool magaalada Boston, USA  ee ka soo jeeda deegaanka SSC waxaanu taageero hiil iyo hooba lagarab taaganahay shirka taariikhiga ah ee dhawaan uga furmidoona dadka udhashay deegaanka SSC oo ay aayahooda kaga tashandoonaan. Hadii ilaahay idmo.

hadaanu nahay jaaliyada SSC  ee reer Boston waxaanu dhawaan isugu iman doonaa shir aanu kaga tashanano sida uguhaboon ee aanu ku taageeri karno shirkan taarikhiga ah iyo guud ahaan waxii aanu uga qaybgalano una qabankarno dadkayagii iyo deegaankayagii taariikhda weyn lahaa ee SSC.

Waxaanu ka codsananaa jaaliyadaha SSC ee dhamaan ku nool aduunka dacaladiisa inay isweydiiyaan waxay uqaban karaan dadkoodii iyo deegaankoodii ay kayimaadeen taageero buuxdana isla garabtaagaan shirka Nairobi haday tahay sidii ay uga qaybgeli lahaayeeen ama dhaqaale ugu diri lahaayeen.

Ugu danbayntii waxaanu salaamanaa mahad gaarana usoo jeedinanaa jaaliyada SSC ee Nairobi dadaalkii ay muujiyeen oo runtii mudan ku dayasho iyo inlagu garabqabto wanaaga ay wadaan.

Waxaa bayaankan diraya dadka kala ah

 

1- Maxamed Cabdilaahi Food
2- Yaxye Xasan Aaden Wiido
3- Faysal Samatar Baxnaan
4-  Ismaciil Saleban Geelle
5- Maxamed Xasan Xuseen Erkolino
6- Cabdale    Siciid
7- Cabdixafid Axmed Maxamuud
8- Warsame   Aaden
9- Siraad Xuseen Baqow
10-Cabdilahi Faarax Cashuur
11-Mamaxuud Xasan
12-Kaariye Aaden Faaliye
13-Axmed Faarax Canshuur
14-Cali Yuusuf Axmed
15-Axmed Osman Axmed
16-Bile Faarax Maxamed
17-Jaamac Nadiif iimaan
18-Mahad Saalax Cige
19-Cadirashiid Xasan Bide
20-Cabdirashiid  Kooseeye
21-Faysal Ciise Saleebaa
22-Xasan Saleebaan Cali
23-Xasan Yuusuf Cali
24-Cabdiraxmaan Cali Cawaale
25-Xasan Maxamuud Yuusuf
26-Yuusuf Maxamuud Yuusuf
27-Saleebaan Maxamuud Yuusuf
28-Xuseen Siraad Baqow
29-Faysal  Xuseen Sadaad
30- Cali Cali Giir


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com