shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo u gudbiyay Golaha wakiiladda Xubno ka mid noqonaya Gudiga doorashooyinka.

(Hargaysa.  July 03,  2009 Ceegaag Online)

Madaxwenaha maamulka Somaliland Daahir riyaale kaahin ayaa la sheegay inuu malinimadi shalay ahayd u gudbiyay golaha wakiiladda labaddi xubnood ee ay horay ugu soo gudbiyeen xubnaha golaha wakiiladu si mid ka mid ah loo soo bedelo.
 

Madxweyne Rayaale ayaa la sheegay inuu golaha wakiilada shalay u gudbiyey xubin ka mid ah Komishankka Doorashooyinka, kadib markii guddidii loo saaray labadii xubnood ee Baarlamanku todobaadkii hore ku celiyey Madaxtooyadu mid ka mid ah ayna sheegeen inaan loo haynin wax lagu horgeeyo golaha Wakiilada, balse Xubinta kale oo lagu magacaabo Axmed Xaaji Maxamed Bidaar la horgeeyo golaha si ay waajibkooda uga gutaan.


Labadii xubnood ee komishanka doorashooyinku u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale si loo beddelo ayaa la sheegay in Maxamed Yuusuf Axmed lagu celiyey Komishanka si uu shaqadiisii dib ugu noqdo, halka xubinta kalena oo ah Axmed Xaaji Bidaar oo isaga uu soo magacaabay xisbiga UCID uu madaxweyne Rayaale u qoray Golaha
Wakiilada si ay kalsoonida ugala noqdaan, lama sheegin sababta dhabta ah ee Axmed Bidaar loogu gudbiyey golaha Wakiilada,hase yeeshee sida ay tibaaxeen warar laga helay madaxtooyadu waxa dalabka beddelkiisa lagu sababeeyey inaanu la shaqayn Karayn komishanka Doorashooyinka.
 
Isku soo wadda duubo iyadoo la filayo in doorashoyinka maamulka somaliland qabsooman bilaha soo socda ayaa madaxweyne riyaale todobaadki hore u gudbiyay Guddiga doorashooyinka maamulka somaliland Qarashkii Doorashadda qayb ka mid ah.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com