shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir looga hadlayo Abaaraha iyo Nabadgelyadda oo lagu Qabtay Qardho(SAWIRO).

(Qardho.  July 19,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta lagu Qabtay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka karkaar shir balaaran oo looga hadlayo arrimo dhawr ah waxaana ajandaha shirka ugu muhiimsanaa Amaanka iyadoo uu shirka Gudoominayay wasiirka Amniga Puntland Gen:C/laahi siciid samatar waxaana goob joog ka ahaa in kabadan 20 Nabadoon oo ka mida Nabadoonadda Gobolka karkaar sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Degmadda Qardho,Taliyayaasha Ciidamadda, waxaana kulanka lagu gorfaynayay.
 
1-Xoojinta Amaanka iyo Nabadgelyadda.
2-Abaaraha iyo biyo la'aanta.
3-Doorka Ha'adaha samafalka.
 
Kulankani oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa markii uu dhamaaday waxaa warbaahinta u waramay Wasiirka amniga Gen:C/laahi siciid samatar waxaana uu ka hadlay waxa kulan ku ku saabsanaa"Kulankani wuxuu daba jooga kulamo hore oo ka dhacay Degmadda Qardho kuwaaso la xiriiray Amaanka waxaase maanta looga hadlayay Xoojinta Nabadgelyadda,Abaarta iyo biyo la'aanta ka jirta Qeybo ka mida gobolkani karkaar waxaana Baaq loo dirayay Ha'adaha samafalka ka shaqeeya Runtii waxaan isku afgaranay Nabadoonadda sidi looga shaqeynlahaa Xoojinta amaanka ninkastana sharciga ayaa ka weyn ninkii wado gala wixii uu isu keeno isaga ka masuula waxaan uga digayaa Dhalinyaradda inay ku xadgudbaan amaanka waxaan leeyahay sharciga ha jabina marka laga hadlayo abaarta ilaahay ba keenay yeelkeed waxaa ha'adaha samafalka u sheegaynaa inay ka jawaabaan dalabka Qeylo dhaanta ay Maamulka gobolka iyo degmadu noo soo jeediyeen Go'aamo ayaana isla qaaday"ayuu yiri Wasiirka Amniga Gen:C/laahi siciid samatar.
 
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Karkaar Yoonis cali faarax oo sheegay in amniga gobolku uu yahay mid degan balse daldalooladda jira la doonayo sidii loo awdi lahaa waxaana uu intaasi ku daray in ay kala hadleen Wasiirka arrimaha waxka qabashadda xaalada amaan ee gobolka.
 
Sidoo kale Nabadoon Maxamed aadan cali oo ka mida nabadoonada Gobolka karkaar oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in nabadoonadu ku raacsanyihiin Dawladda wax ka qabashadda jirida amniga khalkhal gelinaya waxaana uu tibaaxay in aanay ha'aduhu door ku lahayn waxqabadka Gobolka.
 
Isku soo wadda duubo kulankani ayaa waxaa uu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan waxaana nabadoonadda loo qeybiyay Nuqulo horay loo soo saaray oo ahaa Go'aamadda Sugida amaanka gobolka karkaar.

Daawo Sawirada



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com