shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
Warbixin ku saabsan xaalada abaaraha iyo biyo la'aanta ka jirta Puntland (SAWIRO)

(M.G.Puntland  July 30,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Badi goboladda Puntland ka jira Biyo yari aad u baahsan taasi oo saamayn ku yeelatay Duunyadda iyo dadka reer guuraaga ah waxaana biyo yaridani kaliftay in xooluhu u soo arooraan Meeshi biyo ugu dhaw halka kuwa kalena ay soo kici waayeen abaarta iyo biyo yarida ka jira Goboladda Puntland iyadoo sida idiin muqata xoolo badan u soo biyo tagaan ceelasha ugu dhaw ee Degsiimo ku yaala waxaa iyana jira cabaashoyin ay muujinayaan dadka reer guuraaga ah taasi oo ku saabsan cuduro badan oo xoolaha la soo gudboonaday Cuduradda ugu badan ee xoolaha ku dhaca ayaa waxaa ka mida,Furuq,Cadho iyo Ulsid oo ah cuduro ay xoolaha qaarkood u dhintaan.

Warbaahinta Ceegaag Online oo u kuurgashay xaaladaha biyo la'aanta Puntland ayaan waxaa socdaal ku tagnay Goobaha reerguuraagu ka dhaansadaan iyo waliba xarumaha Biyaha kantaroola ee Deegaanadda Puntland Cabdi siciid oo ah maareeyaha shirkadda HODMAN ee biyaha ka shaqaysa isla markaasna ka mida shirkadaha ugu waaweyn ee biyaha ee deegaanadda Puntland iyo G/Degmadda Qardho ayaa ka hadlaya xaaladaha biyo la'aanta iyo doorka Dawladda iyo shirkadaha Biyaha Biyaha.

Duqa Degmadda Qardho ayaa ka waramaya"Runtii way jiraan xaalado aad u adag oo dhinaca Biyaha iyo abaarta labadaba ah sida la socotaan xiligi roobka Gu'ga di'i jiray lama helin sanadka baraagahana Biyo ma gelin abaartu markay daba dheeratay waxay keentay in ceelashi laftigoodi dawraan oo biyo yareeyaan hadda waxa weye sidaad ku soo aragteen ceelasha dhib wayn ayaa ka jira oo dhinaca Biyaha ah xooluhu ma soo gaari karaan ceelasha Boyadaha biyaha qaada 24 saac hal lawr oo biyo ah ayay helaan mana kafayn karo runtii Dhibaato aad u wayn ayaa jirta oo xaga biyaha ah celashi shaqayn jiray way shaqeeyan laakiin iyagaba dawray Qalabka saarana Qalab tayo leh maaha oo duugoobay weeye awoodna aan u lahayn inuu biyo fiican soo saaro dad badan baana bulshadi noqotay Magaaladda Qardho iyo Gobolkani wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha maadama ay luntay dhinici soo saarka hilibka iyo caanaha ayaa naaqusay miyigina xaaluf buu noqday cudurona waa jiraan Dawlada waxaa lagu eedaya in hayado ay biyo dhaamiyaan waa Musuqmaasuq waa wax si qarsoodi ah loo qabto Maamulka iyo dawladda dhexe iyo Ha'adaha waa inay xog helaan Baaq baanu soo saarayna arrin culus baa jirta xaga biyaha" ayuu yiri Gudoomiyaha Degmadda Qardho Cismaan Buux cali.

Sidookale Maareeyaha Shirkadda Biyaha ee HODMAN Eng:Cabdi siciid cismaan ayaa ka waramaya Doorkooda haqabtirka Biyaha Puntland "Haddi aan ka warbixiyo xaalada Biyaha ee Magaaladda Qardho waxaa ku yaala saddex ceel oo hadda shaqaynaya kuwaasi oo markii hore soo saari jiray 60M3 maalintii hadana waxay marayaan inay maalintii soo saaraan 40 M3 taas waxa kaliftay abaaraha puntland ka jira inay biyihii hoos u dhacaan waxaa loo baahanyahay meesha hadda 40 M3 ka marayso inay 120 M3 soo saaran ayaa la rabay baahida Biyaha weeye dhibaha jira waxaa kow ka ah sida Magaaladda Qardho waxay ku taal bartamaha Puntland soonahana waa dhulka cawska leh la isuguna Yimaado culayska jira waxa uu yahay Badashadda Bulshada Goboladda Puntland baahidi marka la isbarbardhigo isuma qalmayso Qalabka waxaan rabnaa inana hadda ka shaqaysino oo si habsami ah hawshena u wadno".

Isku soo wadda duubo warbixintani laxiriirta Biyaha iyo abaarta ayaa muujinaysa sida ay u labalaxaadsatay Abaartu isla markaana uu u jiro Baahi biyood oo aad wayn Daawadda Muuqaalka Biyaha iyo Abaarta oo Ceegaag Online idiin soo bandhigayso.

Daawo Sawirda

By:Cabdirashid Maxamed Dahir

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com