shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin ajnabi ah oo u dhashay Wadankaasi Shiinaha oo lagu Qabtay Garoowe.

(Garoowe.  July 17,  2009 Ceegaag Online)

Ciidamadda Amaanka ee magaaladda Garoowe ayaa Kontoroolka Waqooyi ee magaalada Caasimadda ah ku qabtay saaka nin ajnabi ah oo la sheegay inuu u dhashay wadankaasi shiinaha sida ay shaaciyeen laamaha amaanka ee Garowe waxaa ninkani sitay Passport China ah waxaana uu magaciisa ku sheegay LEE YOU ZHONG waxaana uu sitay Baaskiil isaga oo kaga soo kicitimay Magaaladda Laascaanod sida uu sheegay soona maray Deegano kale oo ka tirsan Somaliland.
 
Ninkani ayaa sheegay inuu ku safrayay Baaskiil ku dhawaad 12 sano isagoo bilaabay sanadki 1997dii isla markaana uu soo maray dalal badan oo ku yaala Qaaradaha Yurub iyo Africa dalalkaasi ayaa uu ku sheegay inay gaarayan 114 isla markana uu ku sii jeedo dhankaa iyo magaaladda Muqdisho hase ahaate Ciidamadda Booliiska Garowe ayaa geeyay Saldhiga halkaasi oo su'aallo lagu weydiiyay waxaana uu soo saaray Ruqsado uu ku soo maray dalalkasi sida UK london oo uu sheegay inuu soo maray.
 
Balse Wasiirka Amniga Puntland Gen:C/laahi Siciid Samatar ayaa saxaafadda u sheegay in ninkani aanu sharci ku soo gelin goboladda Puntland basle aanu dhib wadin haddi uuse wadanka si sharci daro ah ku soo galay laga saarayo si amni ah oo ay tahay waajib saaran Masuuliyiinta Puntland.
 
Masuuliyiinta ayaa intaasi ku daray in ninkaasi la geyn doono dhanka Magaaladda Bosaso oo laga masaafurin doono Mana aha markii ugu horaysay ee dad ajnabi ah laga masaafuriyo Goboladda Puntland bishii hore Dabayaaqadeedi ayay ahayd markii labba saxafi laga masafuriyay Bosaso.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com