shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

QM oo ku baaqday taageero la siiyo dawladda Soomaaliya.

(New York.  July 24,  2009 Ceegaag Online)

Soomaaliya waxay cagaha la sii galeysaa Mowjad aan xal lahayn waxaana dagaaladda koonfurta Soomaaliya Noqdeen kuwa sii holcaya oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya iyadoo awooda dawladdu tahay mid Tabar daran baaqyo badan ayaa waxaa horay u soo saaray wadamadda Beesha caalamka kuwaasi oo baaqyo isdaba joog ah loogu dirayo Dhinacyadda dirirtu dhexmarayso waxaana Dagaaladani ka socda Koonfurta somalia u xuubsiibteen kuwa lagu codsanayo in la daba qabto Dawladda Soomaaliya.
 
Dalabkii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo jeediyay Xoghayaha guud ee qaramadda Midoobay Ban-Ki-Moon isagoo arrinta somalia kaga hadlay Ajande sare oo ku saabsan xaaladda somalia oo ah afar biloodle uu usoo gudbiyo Xubnaha Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay wuxuuna ugu baaqay Madaxa sare ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa in sida ugu dhaqsaha badan Taageero military loo gaarsiiyo Dawlada sharif sheikh axmed taasi oo ay qaramadda Midoobay aqoonsantahay.
 
Warbixinta Ban-Ki-Moon ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay erreyadan "Maalmaha iyo Toddobaadyadda soo socda waxay noqon doonaan kuwo Khatar ah, waxayna Dowladda KMG ah ee Soomaaliya si cad ugu baahan tahay Taageero Milliteri oo degdeg ah, siiba hub iyo Loojistiko ahsi ay isaga caabiyaan Kooxaha Islaamiyiinta ee sii kordhinayo weeraradda ka dhanka ah Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM" ayuu yiri Ban Kii Moon.Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu xusay inuu ka walaacsan yahay isku-dayga lagu doonayo in qorri caaqradii lagu maquuniyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee Calaamka laga aqoonsan yahay , wuxuuna tilmaamay inaan la oggolaan doonin inay Kooxahaaasi guuleystaan, waa sida uu hadalka u yiri.
 
Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kii Moon, waxa kaloo uu ugu baaqay Dowladaha deeqaha bixiya inay fuliyaan Ballanqaadkoodii Lacageed ee dhaaa 213-million oo Dollar, kaasi oo ay bishii April ee la soo dhaafay ku sheegeen inay ku taageerayaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo in lagu xoojiyo Hawlgalka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya .
Dhinaca kale, Warbixinta Afar biloodlaha ee uu Xoghayaha Guud ee QM Ban Kii Moon ka soo saaray Arrimaha dalka Soomaaliya , waxa uu ku sheegay inay Xarakatul-shabaab Mujaahidiin xaqiijiyeen inay Dagaalyahanno Shisheeyaha ka barbar-dagaalamayaan dagaalladda ay ku doonayaan inay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku maquuniyaan, waa sida uu hadalka u dhigay.
 
"Dagaalyahannadda shisheeyaha, oo badankooda lagu soo waramay inay asal ahaan ka soo jeedaan dalalka Pakistan iyo Afganistan waxay u muuqdaan kuwo aad u tababaran, oo lagu tijaabiyey dagaalladda" ayuu yiri Ban Kii Moon oo dhinaca kale sheegay in dagaalladda ka socda magaalladda Muqdisho sababeen in tacadiyo ka baxsan Aadminimadda loo geysto dadka rayidka ah ee lagu kor dagaalamayo.
 
Baaqyo badan oo la xiriira Dagaaladdda somalia in la joojiyo ayaa iska soo dabayeerayay balse haatan waxay dantu biday in qolo walba la guulguulo oo lagu guubaabiyo inay qoladda kale iska caabiyaan Warbaahinta somalida ayaa si cad uga waramayay Marxaladda dagaal ee somalia mudadaasi iyadoo da'yartii garaadkoodi dhaawacmay.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com