shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
Dad ku dhintay Rabshado ka dhacay Waqooyiga Nigeria.

(Nageria.  July 29,  2009 Ceegaag Online)

Wadanka Nigeria oo ah wadanka ugu dadka badan Wadamadda Africa ayaa waxaa uu hadana hodon ku yahay saliida oo ah tan ugu badan ee rabshadaha dhalisa sidoo kale waxaa ugu wayn ee rabshadaha keena waa qawmiyadaha kala duwan ee wadda dega Goboladda wadankaasi iyadoo ay jiraan Maamul Goboleedyo dad kala diin ah deganyihiin wararka ka soo baxaya Booliiska Nigeria ayaa sheegay in saddexdi maalmood ee ugu dambaysay ay ka soconayeen Waqooyiga Nigeria Rabshado ay dad ku dhinteen waxana ku dhintay in ka badan 200 qof iska hor imaadyo xoogan oo dhexmaray Booliiska iyo Muslimiinta Waqooyiga Nigeria.
 
Ilo xog ogaal ah oo u waramayay Warfidiyeenadda ayaa shaaciyay in inay arkeen dad gaaraya boqolaal qof oo lagu dilay Rabshadaha kuwaasi oo iyagoo mayd ah lagu arkay Xarun booliis oo ku taala Magaaladda Maiduguri ee caasimada Gobolka Borno waxaana talaabadani timi ka gadaal markii Muslimiinta Nigeria oo caraysan axadi werareen xarumo kala duwan oo ka kooban,Saldhigyo Booliis,Kaniisado ku yaala gobolka Butshi iyadoo weeraradi saameyen kuna fideen ilaa dhawr gobol oo kala ah Borno,Kano iyo Yubi oo ay iyaga ku awood badanyihiin xoogaga Hubaysan ee loogu yeero "BUKU XARAAM" waxaana eray ahaan BUKUHARAAM yahay eray ka soo jeeda Luqadda Hausa ee ay isticmaalan badi dadka ku nool Galbeedka Africa isla markaasna micne ahaan noqonaysa WAXBARASHADU WAA XAARAAM gaar ahaan mida reer galbeedka ay leeyihin.
 
SIda ay ku soo waramayaa wariyayaasha wararka ka soo tebinaya Waqooyiga Nigeria waxaa maalinti shalay ahayd Booliiska Nigeria Duqeyen Guri uu deganaa Hogaamiyaha Jaamacada Maidgori oo ah ninka lagu magacaabo Maxamed Yuusuf iyago sidoo kale booliisku xoog ku galay Masjid dad muslimiin ah leyihin oo deris la ahaa Guriga Hogaamiyaha waxaana sidoo kale ay bandow ku soo rogen Gobolo kale oo sadex ah Goobaha caafimaadka ayaa laga helayaa in dadka badankiisa laga soo qaaday iyagoo dadsan afaafka hore ee Saldhiga Magaaladda Maidgori waana magaaladda kaliya ee dadka ugu tiro badan ku dhinteen tan iyo intii ay rabshaduhu Bilawdeen dadkaasi oo gaaraya 206 qof waxaana dadka dhintay u badanyihiin Muslimiinta wadanka Nigeria.
 
Isku soo wadda duubo wadankaasi Nigeria oo ah dadla ugu dadka badan dunida Africa ayaa waxaa ku nool dad gaaraya 150 Million waxaana dadka degan kala haystaan saddex diimood oo kala ah Mulsim,Christian,Wathniyiin kuwasi oo kala degan dhinacyadda Waqooyiga iyo koonfurta iyadoo sidoo kale 12 gobol oo ku yaala wadankaasi Nigeria iyagana laga hirgaliyay shareecadda Islaamka laga soo bilaabo sanadkii 1999 kii.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com