shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mousavani "Awood ayaan u leenahay kordhinta ciidamadayadda ee somalia haddi ana helno Qalab iyo lacag".

(Kambala.  July 25,  2009 Ceegaag Online)

Dawladda wadanka Uganda oo ku taalla africadda bari waa dawladi ugu horaysay ee african ah oo Ciidamadeeda ugu yaboohda inay galaan Somalia marka laga soo tago ciidamadi UNISOM ee sagaashamaadkii somalia faragalinta ku sameeyay Madaxweynaha Uganda Yuweeri Museveni oo shafka u garaacay inuu diyaar u yahay inuu Ciiddamo dheeraad ah u soo diro dalka Soomaaliya, si ay Dowladda KMG Soomaaliya uga taageeraan Kooxaha Mukhaawamadda ee doonaya inay xoog ku maquuniyaan.
 
Madaxweyne Museveni ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo u ushalay ku qabtay caasimadda dalka Uganda ee Kampala, wuxuuna xusay inuu diyaar u yahay in la soo daadgureeyo dhammaan Tiradda Ciiddamadda ee laga codsado, si ay ugu biiraan Hawlgalka Nabad-ilaalinta Afrikaanka ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Mr:Mousavani ayaa carabka ku adkeeyay tayo galinta ciidamadooda "waanu kordhinkarnaa tiradda ciidamadayadda si ay uga taageeraan walaaleheena somaaliyeed inay helaan Nabad, waynu haynaa Ciiddamadaasi, waxaanse u baahanahay waa Qalab iyo Lacag, si loo ballaariyo tiradda Ciiddamadaasi" isagoo sheegay inay haystaan ciidamo ku filan oo khibrad waayo aragnimo dagaal leh.
 
Golaha amaanka ee qaramadda Midoobay ayaa codsaday bartimihi bishan in wax laga bedelo tiradda Ciidamadda AMISOM iyo awoodooda loona fasaxo inay awood military u adeegsadaan Kooxaha afgambiga ku wadda Dawladda Somalia.
www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com