shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Militarga Pakistan oo faahfaahin ka bixiyay weerar ciidamadda Americanku ku qaadeen dooxadda SWAT.

(Islamabaad.  July 09,  2009 Ceegaag Online)

Militaryga wadanka Pakistan ayaa shaaca ka qaaday weerar xaga duqaynta cirka ah oo ciidamadda wadanka maraykanku ka fuliyeen Dooxadda Swat valley ee ku taalla dhanka waqooyi-Galbeed pakistan isla markaana khasaare loogu geystay xoogaga Daliban ee ka dagaalama Afghanistan iyo qaybo ka mida Pakistan markii ciidanka Americanka ka tuureen taladda Islaamiga ahayd ee wadanka afghanistan.
 
Warbixin ay bixiyeen saraakiil sarsare oo ka tirsan militaryga wadanka pakistan aya lagu sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmen kuna dhinteen dad tiradoodu gaarayso 40-ruux oo uu ku jiro dadka dhaawacmey Hogaamiyihi Daliban ee Pakistan Maulana Fazlullah waa sida ay hadalka u dhigane.
 
Afhayen u hadlay Ciidamadda pakistan Major-General Atthar Abbas ayaa usheegay wariyayaasha in gobolka waqooyi galbeed ee pakistan ahna Swat Valley la isu diyaarinayo weerarkii ugu dambeeyay ee la doonayo in lagu soo afjaro kooxda Daliban.
 
Sidoo kale dawladda wadanka pakistan ayaa ku amartay ciidamadda amaanka inay weerar ku qaadan xarunta koonfureed ee gobolka waziristan oo la aaminsanyahay inuu daganyahay Talyaha ciidamadda Daliban ee pakistan Beitulah mehsud iyo ciidamadisa iyana warar si faahfaahsan ay u sheegaya sarakiisha ciidamadda Pakistan oo ku aadan weerar xoog badan oo lagu qaaday swat valley in lagu dhaawacay hogaamiye maulah fzlullah balse wariyayaasha ku sugan gobolka ayaa sheegaya inaanay hayn cadamo madaxbanaan oo ka sokeya sheegashadda Dawlada Pakistan.
 
Afhayeenka Militariga pakistan Gen:Anthar cabbas ayaa sheegay isna inay ku jiraan sidii loo soo xaqiijin lahaa xogta ku saabsan dhaawaca sarkaalkani sare ee ka tirsan Dalibaanka pakistan iyadoo ninkani lagu magacaab Maulana Fezlullah uu yahay hogaamiye adag oo madax u ah ururka daliban qeybtisa Pakistan waxaana lagu tilmaama inuu yahay maskaxdi dajisay khariidadi lagu weeraray fariisimo dhawr ah lagu weeraray ciidamadda Pakistan.
 
Isku soo wada duubo gobolkani Swat valley ayaa muddo gaaraysa labba sano ahaa meel ay isku farasaren Militeriga pakistan iyo ururka Dalibaan iyadoo pakistan ku guuldaraysatay inay ka saarto dooxadda swat kooxda dagaalyahanadda jihaad doonka ah ee Daaliban.
 
Diyaaradaha dagaalka ee americanka ayaa dhawaantan weeraro duqeymo ah ka geystay koonfurta waziristan halkaasi oo fariizino ku leeyihin shabakadda ninka ugu sareeya daliban wadankaasi pakistan xaga ciidamadda Beitullah mehsud oo isaga si wayn loo doonayo.

 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com