shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Midawga Yurub oo ku baaqay in Ciidamadda AMISOM la siiyo awood ay dagaal ku qaadi karaan.

(Brussels.  July 02,  2009 Ceegaag Online)

Madaxa Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Arrimaha Horumarinta iyo Kaalmadda Aadanaha, Luwiis Misheel ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka ee Reuters, isagoo ku sugan Madasha ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrikaanka ku shirsan yihiin ee magaalladda Sirti ee dalka Jamaahiirta Liibiya.
 
Louis Michel oo ah Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Horumarinta iyo Kaalmooyinka Bani-aadamnimo ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Routers "Ciidamada Midowa Afrika ee ka kooban 4300 oo Askari isla markaana ilaalinaya Xarumaha Xukuumadda ee Caasimadda waxay u Baahanyihiin in Fasax loo siiyo in ay la Macaamilaan Xaaladda".
 
Isaga oo sii wata Hadalkiisa ayaa uu yiri "Anagu waxaan u Baahanahay… aragtidayda in Awooda AMISOM wax laga badalo oo Awood iyo xoriyad loo siiyo inay Dagaal qaadaan oo ay ka qeyb galaan Dagaaladda lagula jiro Falaagadda si Dheeli-tirnaan loo helo waxaa Waajib ku ah Dowladaha Ajnabiga ah in ay Taageeraan xoojinta Awoodda Xukuumadda KMG ah si ay iskaga caabiso Xag jirayaasha, waana in la siiyo Dhaqaale, Tabo bar si ay ugu Noqoto Kaalmo xagga Ciidamada Milatariga iyo Booliiska ah".
 
Gabagabadi ayaa uu waraysigisa ku tilmaamay inay ka urur ahaan la garabtaaganyihin dawladda somalia Taageero walba isagoo sheegay in wadamadda shisheeye oo idil aanay u kala harayn sidii looga difaaci lahaa dawladda somalia xoogaga Muqaawamadda.
Sidoo kale Wasiirka u Qaabilsan Ingiriiska Arimaha Siyaasadda Afrika Lord Mark Malloch Brown ayaa sheegay in ay Filayaan in Shirka Midowga Afrika looga hadlo sidii Dib loogu fiirin lahaa Awood ay AMISOM haysato isla markaana loo ogolaado inay Weeraro ku qaadi karaan Xoogaga Islaamiyiinta.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com