shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Midawga Africa oo ansixiyay in la tayo galiyo xaga awooda Cidamadda AMISOM.

(Soomaaliya.  July 03,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo shir caalami ah uga socdo madaxda midawga africa magaaladda sirta ee wadanka Liibiya ayaa ay qaraar buuxa ku ansixiyen qorshe la doonayo in wax looga qabto arrimaha murugsan ee wadanka somalia taaso ah ajande dhako sare kaga jira dooda madaxda midawga africa.


Qorshaha ayaa la sheegay in muddo gaaraysa nus saac ay ka doodeen madaxdii shirka ka qaybgashay waxaana madaxdii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa madaxweyne sharif sheikh axmed isagoo tilmaamay in qorshahan yahay mid wax looga bedelayo hananka ay u shaqeeyan ciidamadda AMISON ee iminka ka hawlgala muqdisho oo kaliya iyadoo looga duulaayo buu yiri xaalada haatan dalka uu marayo.
 
Ajandaha wax looga bedelayo ciidamada AMISON waxaa uu ka koobanyahay Qodobo dhawr ah oo sal u ah hanaanka nabad ku soo dabaalida somalia.
Waxaa ka mid ah sidoo kale howlgalka ciidamada AMISOM inay weeraro ku qaadi karaan goobaha laga soo weeraro iyo qodobo kale oo ay ku jirto taakuleyn dhinac walba leh oo ciidamada gelaya Soomaaliya loo ballanqaaday.
 
Wakaalada wararka ee Routers ayaa sidoo kale sheegtay iyadda oo soo xiganaysa Mas’uul ka mid ah Midowga Afrika in Wadanka Burkina Faso iyo Malawi ay diyaar u yihiin inay Ciidamo xoojin ah u diraan Soomaaliya.
 
Midowga Afrika ayaa horey u go’aamiyay in Soomaaliya loo diro 8 kun oo Askari laakiin illaa iyo hadda ma aysan suuro galin inay wax ka soo naasa cadaadaan marka laga reebo 4300 oo Askari oo ka imaaday Uganda iyo Burundi.
 
Dhinaca kale madasha kulan sanadeedka madaxda dalalka Afrika waxaa ku sugan madax iyo diblomaasiyiinta caalamka ka socda, iyadoona la filayo in go’aanka madaxda Afrika la hor geeyo Q/Midoobay si ay iyana u ansixiso go’aanka ay gaareen dalalka Afrika, gaar ahaan arrimaha dalka Soomaaliya oo xilligan ay ka socdaan dagaallo geystay qasaarooyin naf iyo maalba leh.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com