shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha taladda hadda haya Susilo Bambang oo ku hormaray Wareegi hore ee codbixinta Doorashooyinka dalka Indonesia.

(Indooniisiya.  July 08,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweyne Susilo Bambang Yudhoyono oo ah madaxweynaha haatan taladda haya dalka Indonesia ayaa u muuqda mid ku guulaysanaya doorashadda dimuqraadiyada ah ee ka soconaysa wadankaasi Indonesia iyadoo natiijooyinka hordhaca ah ee soo baxaya ay tilmaamayan in uu ku horeey in ka badan % doorashadda dadka codkooda dhiibanaya.
Wadanka indonesia ayaa ah wadanka ugu muslimiinta badan caalamka waana dal ku jira dalalka tobanka ah ee ugu dad badan Dunida iyadoo dadka sharcigu siiyay inay codkooda dhiibtaan ay u dareerayaan goobo codbixineed oo aad u tiro badan.
 
94% codadka la tiriyay Yudhoyono madaxweynaha taladda haya waxaa uu haystaa 60.8% codadka la dhiibtay sida lagu shaaciyay hordhaca doorashadda madaxtinimo ee wadanka Indonesia doorashadda iminka socota waa mid xamaasad badan haddi madaxweyne susilo banbang uu ku guulaysto 5-sano ee soo socda waxa uu wax badan ka qabanaya dhaqaalaha iyadoo hadda dadka amaanaya sheegayan inuu 5-sano ee hore uu si wayn u maamulay dhaqaalaha dalka.
 
Shanti sano ee hore Indonesia waxaa loo yaqaanay(Sick-man) qaarada asia ka dib markii 32 uu ka jiray xukunkii madaxweynihi ka horeeyay susilo banbang ee lagu magacabi jiray Suharto maamulkaso uu hareeyay musuqmaasuq iyo laaluusha horseedi gaaray dhibaato soo wajahda wadankaasi iyadoo wadankaasi yahay wadan awoodihisi hore inqilaab ku qotomeen.
 
Dawlada uu hogaaminayo Yudhoyondo hadda waxay la timi siyaasad degan,Nabad iyo horumarinta dhaqaalaha oo aad loogu amaanayo susilo banbang Yudhoyono isagoo xiriiro dhaqaale la yeeshay wadamadda Brazil,China,Russia iyo India marka la isku soo xooriyo gobolkani ku yaala Mandiqadda Aasiya ayaa ah gobolka ugu badan Tirada muslimiinta caalamka.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com