shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Puntland oo xalinaya Xaaladda amaanka ee Gaalkacyo.

(Gaalkacayo.  July 07,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa magaaladda gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka soconaya kulamo looga hadlayo amniga magaaladda gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug iyadoo ay magaaladda gaareen maalintii shalay ahayd wafdi balaaran oo ka socda maamul goboleedka puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
 
Siyaabo dhawr ah ayaa la doonaya in lagu hagaajiyo amniga magaaladda gaalkacyo iyadoo magaaladu ku taallo goob furin ah oo khaawiga ku haysa goboladda Koonfureed ee somalia iyadoo ay dhici karto inay saameyn ku yeelato amaan xumida hareysay koonfurta somalia waxaana kulan albaabadu u xiranyihiin maanta ku wada qaadatay magaaladda gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug Wufuudi ka socotay puntland oo u badan masuuliyiinta ka soo jeeda Gaalkacyo ee maamulka puntland waxaana wafdigaasi ka mida Gudoomiyaha baarlamaanka puntland C/rashiid maxamed xirsi,Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Muuse axmed saalax,Wasiirka caafimaadka Dr.Bashiir cali biixi,Wasiiradda haweenka iyo qoyska caasho geele diiriye,Wasiir ku xigeeno iyo xubno ka tirsan golaha baarlamaanka puntland.
 
Qodobada ay ka wada hadleen xubnahan ayaan si rasmi ah loo ogeyn, inkastoo ay sheegayaan warar Madax banaan in ay wafdigan kala hadleen Maamulka gobalka arimaha ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Falalka amaan daro, Cabashada beelaha gobalka qaarkood iyo falalka inta badan ka dhaca magaalada ama goobaha dowladda ee ay ka mid yihiin in ay Maleeshiyo ay weerarto saldhig ama Xabsi iyo qodobo kale ayay isla soo qaadeen dhinacyadan.

Masuul Sare oo ka tirsan maamulka gobalka Mudug ayaa usheegay APL in ay madaxda wafdigu sheegeen in ay wax rasmi ah ka qaban doonaan dhamaanba waxyaabaha ay kala kulmaan dhinacyada oo dhan,wuxuuna sheegay in ay si wadar ah ula kulmeen Saraakiisha gobalka joogta.

Odayaasha dhaqanka ayay qaarkood xalay la kulmeen ayagoo ay kala hadleen dhibaatooyinka jira, waxaana Beelaha qaarkood ay dhaliileen Maamulka oo ay sheegeen in sidii loo baahnaa aysan waxba uqaban, halka sidoo kale ay sheegeen in ay doonayaan waxqabad muuqda oo laga hirgaliyo gobalka.

 
Falanqaynta amniga magaaladda gaalkacyo oo ku taala meel istaraatiiji u ah gobolka amniga ah ee puntland iyo goobta colaadu aafeysay ee muqdisho ayaa ah gobol ay kala deganyihiin labadisa Qaybood dad kala isir ah koonfurta gaalkacyo ayaa iyagu sheegta inay yihiin maamul ka kooban degmooyin oo ku yaala gobolka mudug iyadoo falalka amni xumida ay badanaa ka soo foofaan Koonfurta gaalkacyo waxaase la filaya inay guul ku soo dhamaanto socdaalka masuuliyiintan ku sugan magaaladda gaalkacyo ee gobolka mudug.
 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com